Sheekada Filimka Mubakaran: Shactiro Iyo Mada Daalo Dhameestiran Ugu Imaaw Mubakaran

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah subaxaan tiyaatarada loo saaray filimka shactirada dhameestiran leh looguna tala galay qoysaska Mubarakan waana filim weyn oo la wada sugaayay.

Jilaayaaasha: Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Ileana DCruz, Amrita Singh, Athiya Shetty

Director: Anees Bazmee

Hadaba aan isla fiirino filimka Mubarakan fariintiisa iyo bandhiga jilaayaasha waxa laga dhahay.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Mubarakan: Waa filim aad loogu raaxeesan karo daawashadiisa hadii aad jeceshahay aflaanta shactirada badan iyo jah wareerka arimaha qoyska.

Muxuu Ku Liitaa Mubarakan: Ficilada shactirada waa kuwo qayaali sidoo kalena qaybta dhexe waa lagu yara caajisaa

Daawo Ama Ha Daawanin: Mubarakan waa filim qoysaska iyo caruurta ka qoslin doono laakiin dadka baadi goobaan aflaan fariin caqli gal ah xambaarsan kama heli doonaan filimkaan.

Fariinta Filimka Mubarakan Xambaarsan Yahay: Mubarakan wuxuu ku saabsan yahay labo walaalo mataano ah iyo waalida dhex taalo. Karan (Arjun Kapoor)  wuxuu ku nool yahay London halka Charan (Arjun Kapoor) isagana ku nool yahay Punjab.

Karan (Arjun Kapoor)  wuxuu jecel yahay Sweety (Ileana DCruz) halka Charan uu isagana jecel yahay Nafisa (Neha Sharma), laakiin nasiib daro jaceylkooda uma soo bandhigayaan ama uma sheegayaan qoysaskooda si xiriirkooda loo ogaado.

Dhinaca kale Jitto (Ratna Pathak Shah) oo soo bar baarisay Charan waxay go’aan ku gaaree inay diyaariso guurka Charan iyo gabadha quruxda badan ee maskiinta ah Binkle (Athiya Shetty).

Binkle (Athiya Shetty) waxaa aabo u ah taajirka weyn ee la tixgaliyo Mr Sandhu (Rahul Dev) ahna reer Punjab laakiin Charan wuu kasoo horjeedaa fikradaan loogu guurinaayo gabbar uusan jecleyn ama shukaansanin.

Charan oo wareersan wuxuu caawinaad weydiisanaa adeerkiis Kartar (Anil Kapoor) si uu baxarkaan kaga bad baadiyo, wuxuuna adeer Kartar (Anil Kapoor) ku guuleesanaa qorshaha uu dagay oo ah in Charan iyo Binkle is guursanin.

Laakiin talaabadii uu qaadat Kartar (Anil Kapoor) waxay noqonee mid dhibaato qoyska ka dhex abuurto waxaana iska hor imaanayaan labadii Charan soo bar baariyeen Jitto (Ratna Pathak Shah) iyo Balwinder (Pavan Malhotra).

WARAR DHEERAAD AH:

Jah wareerka intaas kuma eko Charan waalidka soo koriyay Balwinder (Pavan Malhotra) wuxuu go’aan ku gaaraa inuu ku daro Sweety (Ileana DCruz) halka hooyada soo korisayna ay rabto in Charan guursado Binkle (Athiya Shetty).!

Hadaba labada walaalaha ah sidee u xalin karaan dhibka soo wajahay ayagoo adeerkooda xariifka ah Kartar (Anil Kapoor) kaa shanayaan?

Sheekada Filimka Mubarakan Maxaa Laga Dhahay?

Mubarakan qaybtiisa hore waa mid heer sare ah dhanka shactirada iyo jah wareerkaa iyo dhex taalka xitaa waa heer sare balse qaybha dhexe caajis ayaa ka muuqdo laakiin nasiib wanaagsan Director Anees Bazmeee filimkiisa dhamaadkiisa mid xiiso badan ayuu ka dhigay.

Anees Bazmee waa filim sameeye caan ku ah sheekooyinka shactirada arimaha qoyska ee jah wareerka badan hadii ad horey ugu raaxeesatay filimadiisii No Entry, Welcome, Singh Is King, Ready iyo Welcome Back waa hubaal Mubarakan waad ku raaxeesan doontaa.

Bandhiga Jilaayaasha Mubarakan La Imaadeen: Arjun si qurux badan ayuu u matalay doorkiisa dhibka badan ee labada waji ah sidoo kalena tijaabada ah sameynta shactirada wuu kasoo baxay, hada kadibna wuu isku dari karaa sameynta filimo shactiro badan.

Laakiin hadal heynta iyo nuxurka sharctirada Mubarakan Anil Kapoor ayaa qaatay filimkaan hadii Anil Kapoor uusan ku jiri laheyn wuxuu noqon lahaa mid aan lugo laheyn!

Anil Kapoor hadalada uu adeegsanaayo bandhigiisa shaashada iyo xeeladaha uu adeegsanaayo ayaa ah waxa ugu weyn ee Mubarakan loo daawan doono.

Ileana D’Cruz  qurux dheeraad ah ayay la timid shaashada sidoo kalena doorkeeda waa mid wacan sidoo kalena kalsooni dheeraad ah ayay shaashada ka muujisay.

Athiya Shetty doorkeeda Binkle waa mid wacan laakiin cilad ay leedahay waxay tahay in waqti ahaan ay ka muuqaal yar tahay hogaamiyaasha filimkaan inkastoo in badan ay ka bandhig wanaagsan tahay filimkeedii kowaad Hero, waxayna muujisay inay door walbo sameyn karto.

Neha Sharma muuqaalo muhiim ah ayay Mubarakan ku leedahay shaqo fiicana wey qabatay laakiin ruug cadaayaasha Ratna Pathak Shah iyo Pavan Malhotra wey kaa yaabin doonaan waxayna la imaadeen qaab jiliin awood badan.

Rahul Dev waji cusub oo lagu amaanay ayuu la yimid iska hilmaan doorarkiisii xumaanta markaan aabo nadiif ah ayuu Mubarakan ku jilayaa.

Gunaanad: Mubarakan waa filim shactiro dhameestiran leh iyo jah wareerka arimaha qoyska waa hubaal in maalmaha sabtiga iyo axada qoysas badan oo mada daalo u baahan inay usoo daawasho tagi doonaan.

Dadka filimada ka faaloodaan waxay filimka Mubakaran siiyeen 3/5 taasi oo ka dhigan inuu mada daalo dhameestiran leeyahay marba hadii sedex dhibcood la siiyay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Mubarakan ee shactirada badan:

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. m.guursade says:

    intee lagu qarash gareeyay siduse HIT dhmestiran ku noqon karaa…?

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalkeen xogtaas shabakad soo daabacdo ayaan weenay maal mihii ugu dambeeyay ee marhore ayaan soo gudbin laheyn.
      Insha Allah berito iyo wixii ka dambeeyo waa la heli doontaa xogta filimka Mubarakan lacagaha lagu qarash gareeeyya, tiyaatarada la saaray iyo inta uu ku bad baadi karo ama Hit ku noqon karo.




Featured Video