Stylish Star Allu Arjun Oo Mumbai Kula Kulmay Kooxda Filimka Golmaal Again

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Tollywood Super Star Allu Arjun ayaa magaalada Mumbai soo booqday wuxuuna si lama filaan ah ula kulmay kooxda filimka Golmaal Again xili ay shaqo ku guda jireen.

Allu Arjun goobta Golmaal Again lagu duubayay waxaa kusoo dhaweeyeen Director Rohit Shetty, Tushar Kapoor iyo Kunal Khemu, sidoo kalena jilaaga weyn Prakash Raj (See Rabtaa) ayaa isagana goobta ku sugnaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Allu Arjun waqti wacan ayuu kooxda Golmaal Again la qaatay wuxuuna u rajeeyay nasiib wacan madaama filimkaan la daawan doono Diwali 2017 oo ku beegan 19-ka October.

Ajay Devgn, Parineeti Chopra iyo Arshad Warsi oo qayb ka ah filimka Golmaal Again goobta kuma sugneyn balse Allu Arjun jilaayaasha kale ayaa soo dhaweeyeen.

Allu Arjun xili wacan ayuu bartanka kagaa jiraa madaama filimkiisa ugu dambeeyay Duvvada Jagannadham (DJ) guul wacan gaaray haatana wuxuu ku guda jiraa duubista filimkiisa xiga Naa Peru Surya – Naa Illu India.

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Waaya Arag says:

    Sxb Zakarie Waxaan Ku Weeydiinaa Mahesh Babu Ma jiraa Filimaan Uu La Sameeyay jilaayaasha Eey Xiligaan Isla Xirfaatamaan Oo Eey Isku Waqtiga Yihiin

    • Zakarie Abdi says:

      Maya walaal badanaa reer Telugu islama keeneen mid walbo isaguuba ka badneyn filimka madaama atoore walbo rabo inuu xarakooda kaligiisna 20-tan feer loo diyaariyo kkk kkk inta dambe waa iga kaftan….

      • Waaya Arag says:

        Hhhhhh Haa Bro Waa Saa Sheegtay Beentooda Wa Torobo Saa’iid 100 Rag Dilo Waaye Ragaan Iyo Xarko Aan Dhamaas Laheen

  2. Baladi says:

    Sxbow filinka cusub ee DJ isagoo af Somali ah halkeen Ka Heli karaa adoo ii raaliya

  3. ibraahin cabdilaahi baafaawi says:

    zxp goormaa afsomali lagu turjumayaa




Featured Video