Taapsee Pannu Iyo Rishi Kapoor Oo Wada Sameyn Doonan Filimka Anubbhav Sinha Ee Mulk

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atiriishada reer koonfur Hindiya ee Taapsee Pannu ayaa wili wado dadaalkeeda Bollywood-ka iyadoo ka mid ah noqatay atiriishoorinka loogu baadi goob badan yahay Bollywood-ka.

Taapsee oo bilawga sanadkaan usoo baxay filimka Naam Shabana ee Akshay Kumar la jilaayay waxaa kaloo sanadkaan u diyaarsan filimka Judwaa 2 ee la jilaayaan Varun Dhawan iyo Jacqueline Fernandez.

WARAR DHEERAAD AH:

Haddaba waxaa shaaca laga qaaday Taapsee Pannu in ay sameyn doonto Anubhav Sinha filimkiisa xiga waxaana filimka la jili doona halyeey Rishi Kapoor waxayna ku matali doonan gabbar iyo sodageeda waana filim fariin waaqici ah xambaarsan.

Filimkaan ee hogaamiyaha looga dhigay Taapse iyo Rishi wili lama magacaabin jilaaga Taapsee jaceyl kula wadaagi lahaa waxaana filimkaan lagu magacaaba Mulk.

Filim sameeye Anubhav Sinha hori wuxuu u sameeyay filimada laga wada helay ee Ra.One, iyo Tum Bin sida qorshaha yahay filimka Mulk waxaa duubis lagu bilaabi doona bilaha soo aadan waxaana lagu duubi doona Lucknow iyo Varanasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video