Waa Maxay Katrina Kaif Beryahan Madaxeeda Waxa Ka Guuxayo?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atirishada awooda badan Katrina Kaif waxay ku mashquulsan tahay duubista filimada Tiger Zinda Hai, Thugs Of Hinduston iyo SRK filimka uu cilinka ama ninka gaaban ku jilaayo.

Hadaba Katrina Kaif ayaa saxaafada la wadaagtay hal arin oo madaxeeda ka guuxayo sidoo kalena ay dooneyso inay mustaqbalka dhow sameyso.

WARAR DHEERAAD AH:

Katrina Kaif waxay dooneysaa inay noqoto filim soo saare ama maal galiyo waana talaabo cusub oo ay dooneyso xidigtaan inay qaado.

Katrina waxay tiri “Sameynta shirkad filimada maal galiso waa waxa ugu weyn ee hada madaxeyga ka guuxayo, waxaana u qabaa xiiso weyn inaan soo saare noqdo”

“Waan ogahay inaysan sahlaneyn hawsha maal galinta balse wax walbo oo xiiso loo qabo waa la sameyn karaa hadii aad heshis koox wanaagsan oo ku garab taagan”

Katrina Kaif filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Jagga Jasoos oo ay la sameesay Ranbir Kapoor wuxuuna noqday nasiib daro filim guul dareestay ama Flop ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video