Filimka Mubarakan Oo Sare U Kac Sameeyay Galabta Iyo Xiliga Fiidka Hindiya

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Anil Kapoor iyo Arjun Kapoor filimkooda shactirada ah Mubarakan ayaa sare u kac sameeyay galabta iyo caawo fiidkii xiliga Hindiya sida wararka hordhaca sheegayaan.

Filimka Mubarakan maanta wuxuu ku bilaawday 20% asigoo 5% ka wanaagsanaa shalay sida uu ku bilaawday balse sare u kicii la filaayay duhurkii iyo galabka xiliga Hindiya ayuu sameeyay wuxuuna gaaray 35%.

WARAR DHEERAAD AH:

Mubarakan caawo fiidkii xiliga Hindiya ayuu meeshii ugu sareesay gaaray wuxuuna haatan marayaa 55% waana arin wanaagsan madaama filimkaan maalintiisii kowaad ganacsi gaabis ah oo 5 Crore uu la yimid.

Waxaa la rajeynaa caawo gelinka dambe inuu Mubarakan sare usii kaco madaama berito ay Axad tahay qoysaskana shaqooyinka ka nasanayaan.

Qaabka uu Mubarakan ku socdo waxay ka dhigan tahay qiyaas ahaan maalintiisa labaad inuu 8 Crore keeni doono waxaana la rajeynaa Axadana inuu ganacsigiisa sii laba jibaarmi doono.

Nasiib Wacan Mubarakan Team………………………………….

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video