Kaartada Filimka Bhoomi Ayaaba Kugu Filan Inaad Si Weyn U Sugto Soo Laabashada Sanjay Dutt

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Sanjay Dutt oo maanta ku beegan dhalashadiisa 58-aad awgeed waxaa si rasmi loo soo bandhigay kaartada labaad ee filimkiisa Bhoomi oo xiiso dheeraad ah wato.

Hadaa hori si weyn ugu heshay kaartada koowaad haatan waxaa lasoo bandhigay kaartada labaad ee filimka Bhoomi oo mar kale Sanjay Dutt kugu qasbi doono inaad si weyn u sugto filimka uu kusoo laaban doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Kaartada lasoo  bandhigay ayaa ah  Sanju oo  dhibaato  ka  muuqato sidoo kalena si  weyn u  xanaaqsan  indhihiisana ka  muuqdo  caro fara badan  waana  kaarto si weyn loo  hadal heeyo  ee kuugu qasbi  doono  goos gooska filimkaan inaad goor dhow si weyn  diyaar ugu noqoto.

Bhoomi waxaa director ka ah filim sameeye Omung Kumar oo hori u sameeyay filimada Sarabjit iyo Mary Kom waana filim qiiro badan laguna soo bandhigi doono xiriirka ka dhaxeeyo aabo iyo gabadhiisa.

Filimka Bhoomi waxaa maal giliyay shirkadaha T-Series & Legend Studios, waxaana daafaha caalamka laga daawan doona September 22, 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamed says:

    Waan soo dhawaynaynaa soo noqoshada actarka caanka ah ee sanjay dut




Featured Video