Mubarakan Waa Filim Qaali Ah Lacagaha Lagu Sameeyay, Daqliga Laga Helay Iyo Sida Uu Ku Bad Baadi Karo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Mubarakan siweyn ayaa loo soo dhaweeyay sheekadiisa shactirada iyo mada daalada dhameestiran leh waxaana Director ka ah Anees Bazmee.

Mubarakan waxaa wada jileen Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruiz waana filim maalintii shalay ahayd (Jimco 28 July) tiyaatarada la saaray.

Hadaba waxaan helay warar hordhac ah oo ka hadlayaan filimka Mubarakan qarashaadka lagu sameeyay, lacagaha laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin iyo sida uu ku bad baadi karo.

Mubarakan Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay: 

70 Crore ayaa lagu sameeyay oo isugu jirto 55 Crore oo ah qarashka lagu sameeyay iyo lacagaha ay jilaayaasha qaateen iyo 15 Crore oo xayeysiis loogu sameeyay.

Mubarakan Lacagaha Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin: Filimkaan kooxda sameesay lacago fiican ayaa dib ugu soo laabatay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

xuquuqda Satellite-ka (Satellite Rights) waxaaa lagu iibsaday 22 Crore

Xuquuqda Computer-ka iyo Internet-ka (Digital Media) waxaa lagu iibsaday 8 Crore

Xuquuqda qeybinta cajaladaha suuqyada caalamka (Overseas Rights) waxaa lagu iibsaday 5 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Xuquuqda Muusigada (Music Rights) waxaa lagu iibsaday 8 Crore

Wadarta Guud ee laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin: 43 Crore

Mubarakan Iyo Tiyaatarada La Saaray:

Filimkaan shactirada badan waxaa la saaray 2350-tiyaatar gudaha Hindiya ah iyo 475-tiyaatar oo suuqyada caalamka ah.

Mubarakan Hit Ama Flop Muxuu Ku Noqon Karaa:

Madaama Mubarakan kooxda iska leh 70 Crore ku qarash gareeyeen filimkaan sidoo kalena 43 Crore dib ugu soo laabatay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin lacagihiisa badanaa dib ayay u heleen.

Laakiin 27 Crore oo qarashkooda ka maqan waa inuu filimkaan dib usoo celiyaa waayo shirkad kale laguma wareejin inay gudaha Hindiya cajaladihiisa qeybiso.

Sidaa darteed Mubarakan oo 27 Crore laga rabo waa inuu 60 Crore keenaa si uu Average u noqdo halka uu Hit dhameestiran ku noqon karo 70 Crore marka uu keeno.

Sharaxaad Yar: Marka Mubarakan keeno 60 Crore micnaheeda ma ahan lacagtaas inay dib u helayaan dhamaanteeda kooxda iska leh waayo 48% lacagta ayay leeyihiin halka 52% lacagta ay iska leeyihiin kooxda tiyaatarada iska leh.

Sidaa darteed marka uu 60 Crore keeno cimri ahaantiisa waxaa kusoo aadeyso 28.80 Crore markaas lacagtii ka maqneyd ayaa dib ugu soo laabatay, hadii 70 Crore uu keeno waxaa kusoo aadeyso 33.60 Crore kooxda iska leh.

Waxaan fileynaa in sharaxaad guud aan idin siinay…………………………………………….

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. HaMze ZizoU says:

    waxaad soo celiseen qaabkii wanaagsanaaye aad uga faaloon jirteen filimada gacansigooda iyo siday ku guulaysan karaan ama ku fashilmi karaan halkaa kaga haya waadna ku mahadsan tihiin

  2. master ok says:

    sxp sheekada mubarakan noo soo
    daabaca




Featured Video