Ranbir Kapoor “Waa Wax Cajiib Badan In Nolosha Kali Aad Ku Tahay”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor mudo lix sano ah wuxuu xiriir wada noolaansho kala dhaxeeyay atirishada Katrina Kaif balse bilawgii sanadka hore ayay lamaanahan kala hareen.

Ranbir Kapoor ayaa sheegay inuu haatan ugu faraxsan yahay nolosha uu kali haatan ku yahay wuxuuna yiri “Waa markii ugu horeesay mudo kadib aan nolosha kali ku ahay ama doob ahay”

WARAR DHEERAAD AH:

“Waa wax cajiib badan iskaabulonimada madaama aad heleysid waqti badan oo firaaqo waana ku raaxeesanayaan marxaladaan cusub ee nolosheyda haatan wajaheyso”

“Ma jirto qof aan ka fikiraayo balankiisa kaliya dadka aan waqtiga la qaato waa kuwa shaqada filim jilista naga dhaxeyso sida soo saarayaal ama filim sameeyayaal”

Ranbir Kapoor wuxuu haatan ku mashquulsan yahay duubista filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo oo la daawan doono 30-ka Maarso 2018.

Kadib wuxuu dhawaan duubis ku bilaabi doonaa filimka Dragon oo ay Alia Bhatt isla jilayaan sidoo kalena saaxiibkiis Ayan Mukerji uu Director ka yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video