Rasmi: Filimka Mubarakan Iyo Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Ileana D’Cruiz iyo Athiya Shetty filimkooda Mubarakan ayaa maalinta kowaad ganacsi liito sameeyay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Mubarakan maalintiisa kowaad wuxuu keenay 5 Crore (Trade Figure) waxaana ka lacag badan maalinta kowaad filimka Munna Michael.

Mubarakan filim xun ma ahan oo dadka filimada ka faaloodaan iyo dadka tiyaatarka tikit-ka u goosteen wey amaaneyn taasina waxay sababi doontaa in filimkaan maal maha sabtiga iyo axada uu ganacsi wacan sameeyo.

WARAR DHEERAAD AH:

Mubarakan dhibaatada ugu weyn qabsatay waxay tahay in filimkaan uu waayay atoore weyn oo dadka tiyaatarka kku qasbi karo inay soo aadaan.

Hadii Director Anees Bazmee filimkiisa Mubarakan atoore weyn u dhiibi lahaa hubaal ayay ahaan laheyd maalinta kowaad inuu keeni lahaa 10 Crore ka badan laakiin markaan siyaasada ayaa ka qaldoontay.

Mubarakan hada ma ahan filim laga quustay madaama uu sare u kac sameyn karo balse bilaabashadiisa oo liidato dhibaato ayay ku tahay madaama uu heesto hal todobaad oo kaliya inuu ganacsiga ugu badan sameeyo.

Dhinaca kale filimka  Indu Sarkar ee shalay tiyaatarada la saaray isagana ganacsi aad u liito ayuu sameeyay maalintiisa kowaad wuxuuna keenay 85 Lakh (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video