Rasmi: Filimka Munna Micheal Oo 95% Hoos U Dhac Sameeyay Jimcasiisa Labaad!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filim xun cidna lacag uma quureyso waana mida qabsatay filimka Munna Micheal ee uu hogaamiyaha ka yahay Tiger Shroff madaama uu 95% hoos u dhac sameeyay Jimcadiisa labaad!

Munna Micheal wuxuu keenay 35 Lakh maalintiisa 8-aad waxaana hubaal in cimri ahaantiisa uusan 35 Crore gaari doonin sidaasna Flop ayuu ku yahay Munna Michael madaama 45 Crore ku dhawaad lagu qarash gareeyay.

WARAR DHEERAAD AH:

Munna Micheal kaliya wuxuu ku wanaagsanaaday Tiger Shroff filimkiisii ugu dambeeyay A Flying Jatt kaasi oo Boxoffice-ka kasoo xareeyay 31 Crore sanadii hore.

Tiger Shroff horey labo filim oo Hit ah ayuu sameeyay Heropanti iyo Baaghi kuwaas oo uu shacbiyad balaaran ku yeeshay laakiin labadiisii filim ee ugu dambeeyeen wey guul dareesteen ganacsi ahaan.

Hadana waxaa laga rabaa inuu dib boorka isaga jafo, waxaana culeeska kusii kordhin karto inuu sameenayo filimka Rambo Remake ee lacagaha qaaliga ah lagu sameyn doono waana mashruuca awoodiisa soo celin karo ama dhulka sii galin karo!

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video