Katrina Kaif Kaliya Labo Maalmood Oo Kaliya Ayay U Baahan Tahay Isku Diyaarinta Filimka SRK Cilinka Ku Jilaayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Quruxleyda Bollywood-ka Katrina Kaif ayaa maalmo ka hor waxay kasoo laabatay dalka Morocco ayadoo halkaas kusoo duubtay qaybo ka mid ah jadwalka filimkeeda Tiger Zinda Hai oo ay Salman Khan la jileyso.

Katrina Kaif waxaa safarkaas kaga horeeyay socdaal ay dalka Malta ku tagtay ayadoo halkaas kusoo duubtay qaybo ka mid ah filimka Thugs of Hinduston oo ay Aamir Khan la jileyso.

Haatan waxaa la sheegay in Katrina Kaif mudo labo maalmood ka qayb gali doonto aqoon is weydaarsi ay isugu diyaarineyso filimka SRK cilinka ama ninka gaaban ku jilaayo.

WARAR DHEERAAD AH:

Director Anand L Rai ayaa rabay in Katrina ugu yaraan mudo todobaad ah doorkeeda sameyntiisa isugu diyaariso balse xidigtaan kaliya mudo labo maalmood inay doorkeeda isugu diyaarin karto ayay filim sameeyahan u sheegtay!

Katrina marka ay labo maalmood isku diyaariso ama fahanto doorka filimka SRK iyo Anushka Sharma ay la jileyso waxay safar deg deg ah ku aadi doontaa Abu Dhabi.

Katrina Abu Dhabi waxay kusoo duubi doontaa jadwalka ugu weyn filimkeeda Tiger Zinda Hai iyada iyo Salman Khan ayaa halkaas u wada baqooli doonaan waana qaybaha ugu dambeeyo shaqada filimkaan weyn laga qabanaayo.

Katrina marka ay jadwalkeeda Tiger Zinda Hai soo dhameesato ayay dib ugu soo laaban doontaa Mumbai waxayna toos u bilaabi doontaa duubista doorkeeda filimka SRK cilinka ku jilaayo.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. burhan KK says:

    I belief inag tahay atirishada ugu diyarsan bollywood ka super girl waye kaitrina kaif




Featured Video