Rasmi: Filimka Mubarakan Iyo Maalintiisa Labaad Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn Mubarakan oo ay wada jilayaan Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruiz ayaa maalintiisa labaad sameeyay sare u kac wanaagsan oo u dhaxeeyo 40% ilaa 45%.

WARAR DHEERAAD AH:

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Mubarakan maalintiisa labaad ama sabtigiisa kowaad wuxuu keeenay 7 Crore (Trade Figure) qiyaasta xili hore.

Mudo labo maalmood Mubarakan wuxuu keenay 12 Crore (Trade Figure) welina waa lacago aad u liitaan balse sare u kaca uu sameeyay maalintiisa labaad ayaa ka dhigan in Axada qoysaska fara badan usoo daawasho tagi doonaan sidoo kalena uu ganacsi adag sameyn karo.

Mubarakan halka uu hiigsanaayo iyo rajadiisa dhanka Boxoffice-ka waxay ku sirnaan doontaa Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyo ama sida uu isku celiyo hadii kale wuxuu noqon doonaa mashruuc guul dareestay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video