Shahid Kapoor Oo Ka Hadlay Filimkiisa Padmavati Ee Sida Weyn Loo Wada Sugaayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha la wada jecel yahay Shahid Kapoor wuxuu siweyn ugu mashquulsan yahay sanadkaan oo dhan duubista filimka Padmavati oo ay la jilayaan Deepika Padukone iyo Ranveer Singh.

Padmavati waa filim taariikhi ah waxaana Director ka ah Sanjay Leela Bhansali waana markii ugu horeesay Shahid Kapoor uu ku dhawaad mudo sanad ah hal filim waqtigiisa galiyo.

WARAR DHEERAAD AH:

Shahid oo ka hadlaayay filimkiisa weyn Padmavati wuxuu yiri “Padmavati waa filim jacey, qiiro badan, dagaal leh sidoo kalena taariikhi ah waana filim qof walbo soo jiidan doono”

“Aadban ugu faraxsanahay inaan mudane Bhansali filimkiisa sameeyo anigoo aad ula dhacay shaqooyinkii uu horey u qabtay sida filimkiisii ugu dambeeyay Bajirao Mastani oo aan siweyn kaga helay”

Filimka Padmavati waxaa la daawan doonaa 17 November 2017 waana filim weyn oo lacago qaali ah lagu sameeyay kalsooni xoogana lagu qaban inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigi karo.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abwaan says:

    Hhhh Rangoon sidii u burburay ayuu kane unoqon doonaa mid qasaaro ah soo celi waaye lacagtiisa Sxp Saki nalewadaag Sheekada Filimka Ugu taarikhsan uguna Qaalisan uguna macan




Featured Video