Tiger Shroff Oo Wacad Ku Maray Inuu Door Laadarnimo Waligiis Sameyn Doonin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Jilaaga dhalinta yar ee  la wada jecel yahay Tiger Shroff ayaa meel iska dhigay sameynta doorarka xumaanta ah ama door laadarnimo.

WARAR DHEERAAD AH:

Tiger Shroff wuxuu yiri “Waa inaan ka fikiraa dhalinta na daawato waxay jecel yahay inay wax walbo nooga daydaan sidaa darteed waligeey muuqaal nadiif ah ayaan sameyn doonaa”

“Marnaba ma aqbali doono inaan filim door xumaan ku matalo waayo dabeecad ahaan qof nadiif ayaan jeclahay waxaana doonayaa inaan isla muuqaalkaan marwalbo shaashada ku matalo”

Tiger Shroff wuxuu qaatay go’aan ay kaga horeeyeen labada Super Star Salman Khan iyo Hrithik Roshan oo horey u sheegeen inaysan shaashada marnaba laadar ku matali doonin.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. HaMze ZizoU says:

    Waa aragtidooda shakhsiga ah waana waajib in lagu ixtiraamo laakiin kuma raacsani in doorka negative ka ah wuu dhalin yarada barayo xumaanta sideedaba aflaantu waxay ka waramaan nolosha, noloshuna dad posative ah iyo dad negatve ah way leedahay jilaaguna waa inuu nolosha ka run sheegaa kol haduu jilaa ama actor yahay mida kale jilayaasha caalamiga ah ee la wada yaqaano ma jiro jilaa aan doorkaas matalin mana buuxo actorku hadaanu matalin dhamaan dhinacyada ay noloshu ka kooban tahay

  2. cabdirashiid pertaap sing says:

    wuxuu ka baydhay dariiqii aabihiis.
    lkn tiger maba leh qaab kii laadariinta kumana soo baxayo

  3. Mariya Xasan says:

    Fikirkiisa llama saxno waayo shaqada jilaanimada waa mid ku saleysan khiyaali iyo in qofku wax uusan aheyn matalo




Featured Video