Yaa Kula Taliyay Anil Kapoor Inuusan Marnaba Nasanin Ama Filim Jilista Ka Bixin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Anil Kapoor in ka badan 38-sano ayuu Bollywood-ka ku jiraa waa jilaa soo taagan oo aan calankiisa marnaba dhaceyn.

Anil Kapoor filimkiisii ugu dambeeyay Mubakaran wuxuu ku helay amaan lixaad leh asigoo xitaa ka bandhig wanaagsanaaday wiilka uu adeerka u yahay Arjun Kapoor oo filimkaan labo waji ku matalaayay.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Anil Kapoor inuusan shaqada ka nasanin ama masraxa laga weynin yaa kula taliyay?

Anil Kapoor wuxuu yiri “Mudane Amitabh Bachchan ayaa igula taliyay inaan fanka ka dhex bixin sidoo kalena aan galin qalad uu isaga galay oo ahayd inuu hada ka hor 5-sano ka maqnaa Bollywood-ka”

“Waxaan kula kulmay Amitabh magaalada New York 90-maadkii asigoo nasiino isaga jiro waxaana halkaas u tagay inaan filimkeyga Meherbaan ku duubo, waxaan ku iri mudane waan daalay 25-sano oo aan shaqo soo waday nasiino ayaan u baahanahay”

“Amitabh wuxuu ii sheegay inaan marnaba filim jilista ka bixin sidoo kalena aan marwalbo ku dadaalo shaqadeyda inaan sii wato, sidaa darteed isagaa sabab u ah maanta inaan Bollywood-ka ka dhex muuqdo anigoo 60-jir ah”

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Somali pure says:

    ninkani miyuu gaadhay derejada super star

  2. Moha says:

    zxp zakarie abdi hadda ka horna waan idinka codsaday haddana waan idinka codsanayaa
    Awooda rajnikanth ee boxofficeka noo soo raadiya oo nala wadaaga plz




Featured Video