6-Filim Oo Qasab Ku Tahay Inay Bollywood-ka Bad Baadiyaan Sanadkaan Qaybihiisa Dambe

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood-ka lixdii bilood ee ugu horeesay ganacsigooda ma xumeen sidoo kalena aflaan kala duwan ayaa guulo wacan gaareen inkastoo Baahubali 2 wax walbo afka u dhigtay.

Hadana Badrinath Ki Dulhania, Jolly LLB 2, Hindi Medium iyo Raees ayaa Boxoffice-ka ganacsi wacan ka sameeyeen qaybihii hore.

Laakiin lixda bilood ee dambe sida loo soo galay labo bilood waxay dhamaatay ayadoon la heynin filim guul weyn Boxoffice-ka ka gaaray.

Tubelight ayaa naxdinta ugu weyn Bollywood-ka ku abuuray madaama uu fashil xoogan ku habsaday kadib Jagga Jasoos, Mom iyo Munna Michael ayaa guul dareesteen haatana Mubarakan cago badan kuma fadhiyo.

Sidaa darteed 5-bilood ee 2017 ka harsan kaliya 6-filim oo waa weyn ayaa rajo laga qabaa inay Boxoffice-ka saameyn ku yeelan karaan.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada, jilaayaasha iyo xiliga la daawan doono 6-da filim ee waajib ku tahay inay Bollywood-ka bad baadiyaan sanadkaan qaybihiisa dambe:

Jab Harry Met Sejal (4 August): SRK iyo Anushka Sharma ayaa hogaamiyaal ka ah

DB4N9okXcAEUC_0-(1)

Toilet – Ek Prem Katha (11 August): waxaa hogaamiye ka ah Akshay Kumar

Untitled-14

WARAR DHEERAAD AH:

Baadshaho (8 September): waxa hogaamiye ka ah Ajay Devgn oo ay wehliyaan Emraan Hashmi, Vidyut Jamwal iyo Ileana D’Cruiz.

DCuuIPCVoAAQxRW

Judwaa 2 (29 September): waxaa hogaamiye ka ah Varun Dhawan

judwa-2

Golmaal Again (19 October, Diwali): waxaa hogaamiye ka ah Ajay Devgn iyo kooxdiisa Golmaal

golmaal-again-2

Padmavati (17 November): waxaa hogaamiyaal ka ah Deepika Padukone, Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor

Image result for padmavati movie 2017

Tiger Zinda Hai (22 December): waxaa hogaamiyaal ka ah Salman Khan iyo Katrina Kaif

first-pic-salman-khan-katrina-kaif-back-together-tiger-zinda-hai-0001

Aqriste 6-daan filim ee waajibka ku tahay inay Bollywood-ka bad baadiyaan qaybihiisa dambe adiga sidee ugu kala rajo weyn tahay inay guuleesan karaan.

F.G: Waxaan idinla wadaagi doonaa filimada qaybaha dambe ee sanadkan la daawan doono kuwooda si la yaab leh guul u gaari karaan oo aan hada guushaas laga fileyn madaama Boxoffice-ka la yaab ka sameesan yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (12)

  1. Wadani says:

    JHMS iyo Toilet iyo Tiger Zinda Hai iyaga waa guuleysanayaan. Waxaa soo raaca padmavati

  2. ajay says:

    wadaniyow waxaad ka hadashay raigaga sxb lakiin waxaad ilowsan tahay in u AJAY DEVGAN ku jiroo sorry

  3. Zmart boy says:

    wadniyow anku na waxaan ku kolsoonahey ajey 2 filine

  4. cabdirashiid pertaap sing says:

    tiger zinda iyo golmaal waa 200 – 300
    kuwa kale yeh mari zajal iyo badsasho ayuun baa 100 gaadhaya

  5. HR says:

    a gentleman meeyay

  6. Abdiaziz fantastic says:

    Tiger zinda hai : blockbuster
    J H M S : SUPER HIT
    GOLMAAL AGAIN : SUPER HIT
    TOILET : HIT
    JUDWAA 2 : SEMI HIT
    BAADSHAHO : FLOP
    PADMAVATI : FLOP
    SAADASHU WAA SIDAAS LAGA FILAYO

  7. Catalonia says:

    Golmaal again rohit shetty iyo kooxdisa markaan super hit kama rabo waa blockbuster coz of Diwali ga ayuu haysta sorry baadshaho film la aamanayo uma eka 5 films way guulaysnayan 2na way guuldaraysanayan

  8. Akshay kumar says:

    toiliet ek prem katha ayaad iloow deen king boxoffice akshay kumar waa huwaal filinkiisa inuu noqon doono blockboster

  9. m.guursade says:

    waxan qaba anigu in TIGER ZINDA HAI IYO PADMAVATI ay noqanayaan BLOUCBOUSTREKA ugu shanta bilood ee so socoda wiliba ay gaarayan darajada 300crore inta…

  10. tayo says:

    SRK filimkisa iyo badshaho aya box ofiska bad badinayan sanadkan inta kale nasi wacan ayan u rajynayaa

  11. Abdale A dareewal says:

    Ajay labadisa Film aya ugu macqulsan inay guulystan waayo caqabado badan ma hystan waxa so raaca Salman Khan filmksa

  12. shineydar says:

    tiger zinda hi iyo jab Harry met sajal aa guulaysanaayo




Featured Video