Aan Idinka Jawaabo Mubarakan Inuu Yahay Filim Wanaagsan?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka  Mubarakan  ee tiyaatarada  saaran  sheekadiisa  dadka  filimada  ka  faaloodaan  si  weyn  ayay  u  amaaneyn sidoo  kalena  sheekada  filimkaan  jimcadii  ayaan  idinla  wadaagnay.

Haddaba waxaa i suura   gashay  inaan tiyaatarka ka daawado  filimka  Mubarakan ee  hogaamiyaal  Ka  yihiin  Anil Kapoor,  Arjun Kapoor,  Ileana D’cruz  iyo  Athiya Shetty.

Haddab Filimka Mubarakan  ma  yahay  filim  wanaagsan  aan  Idinla  wadaago  dhankeyga  Qodobo  aan  ku  Dhaliilay  ama uu  ku  wanaagsan  yahay ?

Sheekada  filimka  Mubarakan  iyo  isku xirkiisa

Hadaa hori  u  aqrisatay  sheekada  filimka  Mubarakan  oo  aan  idinla  wadaagnay  waa  hubaal  waxba  kama  qaldana  sidoo  kale waxaa  idin  sheegnay  in filimkaan  uu   yahay filim  madalaalo  dhameestiran  leh  oo  shactiro  socdo  ah looguna tala galay qoyska.

Is ku  xirka  filimka  Mubarakan  habka  loo  sameeyay  waxaa  ku amaanan  filim  sameeyaha  weyn Anees Bazmee  oo looga  haray  filimada  shactirada  badan  filimkaan  badankiisa  waxaa lagu duubay  london  iyo  Punjab.

Bandhiga  jilaayaasha

Filimka  Mubarakan  ee  hogaamiye  ka  ahaayeen  Anil Kapoor,  Arjun Kapoor,  Ileana D’cruz  iyo  Athiya Shetty.  waxaa  ugu  bandhig  wanaagsanaa  Super Star  Anil kapoor,  doorkiisa  Kartar  Singh oo  ah mid loo daawan doono filimka Mubarakan.

Anil Kapoor  filimka  Mubarakan  wuxuu ka  jiliin  wanaagsan  yahay  labada  door  Arjun Kapoor  ee  karan iyo Charan  laakiin  kuma  niyad  jibi  doono  Arjun  oo  labadiisa  door  si  weyn  kaaga  yaabin doono  qaabka uu u sameeyay  filimkaaan  shactirada   ah.

Labada  atiriisho  ee filimka  Ileana  D’cruz  iyo  Athiya Shetty  waxaa door  wacan filimka  ku lahaa Ileana  oo ka muuqal  badneyd  Athiya Shetty  sidoo kale  Athiya  doorkeeda  Binkle  waa mid  wanaagsan kuna matalaysay qof dagan  oo jacel Charan.

Sidoo  kale  filimkaan  waxaa  ka  baxsaday  oo  doorar  muhiim  ah  ku  leh  oo ku  xiiso kalin doona  Neha Sharma,  Rahul Dev,  Karan Kundra,  Ratna Pathak,  Pavan Malhotra,  iyo  Krishan Tandon.

Fikirkeyga Ku Aadan Filimka Mubarakan

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka  Mubarakan  waa  filim  shactiro  dhameestiran  ah  oo  aadan  marnaba  ku  caajisi  doonin  laakiin  waa filim  aad  fahmi  karto  wax  walbo  oo  dhacaayo  balse waxaa  xiiso u yeelay filimkaan filim  sameeye  Anees iyo qaabka uu shactirada u dhigay.

Hadii Arjun Kapoor  uu  ahaan  lahaa  jilaa  weyn  oo filimada  gadi kara  waxaa  hubaal  ahaan  lahaa  in filimka Mubarakan  3 maal  mood  lacago  badan  kusoo   xareyn  lahaa  sidoo  kalena  noqan  lahaa  filim guul weyn gaara.

Sidoo kale  filimka  Mubarakan  waxaa  guushiisa  hor  isaagi  doona  filimka  Jab Harry Met Sejal  oo  la  daawan doono  jimcada  waa hadii  uu hoos  u  dhac  weyn  samaynin  maal  maha shaqada.

Siduu Ahaa Goobta Aan ka Daawanaayay Filimka Mubarakan

Tiyaatarka ama cinema-ada aan  ka  daawanaayay  filimka  Mubarakan  wuxuu  ahaa  meel  la  buuxa  oo  dad Hindi  u  badan  isku imaadeen  runtii  filimka  siduu  u bilawday  ilaa  dhamaadka  waxaana  dareemaayay  in  dadka  si  weyn  ugu  heleen  shactirada  ayagoo  qosal  isku  celin   waayeen  Mid  ka  mid  dadka  filimka  daawanaayay  xitaa  wuu sacbiyay  qaabka  shactirada  loo dhigay

Hadaa  ka  hadlo  aniga  ahaan  dadka  ayaa  ka  mid  ahaa  oo  aniga  iyo  asxaabteyda  qosalka  ayaa naga dhamaaday  wuxuuna  ahaa  filim  xiiso  leh oo  aan  marnaba   ku  caajisin  sidoo  heesaha  filimkaan wuxuu ahaa mid  heer  sare  ah  oo  si  weyn  loo sameeyay.

Halkee Ka Daawaday Filimka Mubarakan

Filimka Mubarakan xalay waxaa ii suurta gashay asigoo HD inaan ku daawaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan Garden City Mall waxaana tikit-kiisa ku iibsaday 700 Shillin oo lacagta Kenya una dhigantaa $7.

Gunaanad

Filimka  Mubarakan  oo  kooxda  filimada  ka  faaloodeen  amaan  kala  dul  dhaceyn  wuxuu  ahaa  mid sax   waana filim  qoyska  loogu  tala  galay  haddaba  hadaa  tahay  qof  filimada  shactirada  xiiseeyo  filimka  Mubarakan ka daawo  tiyaarka  kuu  dhow  waa  hubaal  kuma  caajisi doontid.

Qiimeyn  ahaan  filimka Mubarakan waxaa siiyay 3.5/5 midaas oo ka dhigan flimka Mubarakan sheekadiisa wanaagsan tahay.

Dhamaad

Waadku mahadsanatahy Aqirskaaga

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mawlana khan says:

    “( Aadan mahadi korkaaga Ha Ahaato Sxp )”




Featured Video