Director SS Rajamouli Iyo Prabhas Oo Qorsheenayaan Inay Filim Kale Ka Wada Shaqeeyaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Director SS Rajamouli iyo atoorihiisa Prabhas ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen markale shaqo qurux badan wada qabtaan waana arin siweyn loo soo dhaweeyay.

WARAR DHEERAAD AH:

Director SS Rajamouli iyo Prabhas waxay dunida ku qabsadeen mashruuca Baahubali oo ay labo qaybood ka sameeyeen sidoo kalena kuma aysan qasaarin 5-tii sano oo ay galiyeen Baahubali labadiisa qeybood.

Director SS Rajamouli iyo Prabhas waxay isku soo hadal qaadeen inay xiriirkooda shaqo sii adkeeyaan weliba markii Baahubali 2 shaqadiisa gabo gabo ku dhaweyd ayay ku heshiiyeen inay mustaqbalka dhow filim weyn wada sameeyaan.

Waxaa la sheegay Baahubali 2 kadib hawlaha ay ku mashquuleen labadaan shaqsi ee Koonfur Hindiya awooda ku leh marka ay soo gaba gabeeyaan inay wada fariisan doonaan sidoo kalena ama qaadi doonaan ka shaqeynta mashruuc cusub.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video