Hrithik Roshan Iyo Doorka Uu Ku Matali Doono Director Rakeysh Omprakash Mehra Filimkiisa Xiga

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa la sheegay in Super star Hrithik Roshan uu la shaqeyn doono Director Rakeysh Omprakash Mehra wuxuuna filimkaan noqon doonaa mid xiiso gaar ah leh.

Hrithik Roshan ayaa la sheegay inuu filimkaan ku matali doono cayaaryahan cayaarta Kabadi ama kabadhii loo yaqaan cayaaro.

WARAR DHEERAAD AH:

Sida shabakada DNA soo daabacday Hrithik Roshan ayaa aqbalay sameynta filimkaan Sports-ka ah waxaana maal galiye ka ah Ronnie Screwvala oo madax u ah shirkada UTV sidoo kalena Hrithik saaxiibo dhow yihiin.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay ee Hrithik Roshan iyo Director Rakeysh Omprakash Mehra wada shaqeyn doonaan.

Director Rakeysh Omprakash Mehra wuxuu horey u sameeyay filimada Classic noqdeen sida ang De Basanti iyo Bhaag Milkha Bhaag sidoo kalena liiska waxaa ugu jiro inuu sameeyay filimka sanadkii hore bur burka weyn la kulmay Mirzya.

Hrithik Roshan filimkaan Sports-ka ah inuu aqbalo sameyntiisa waxaa ugu wacan madaama filimkii Super 30 ee uu sameyn lahaa dib u dhac ku yimid waayo Director Vikas Bahl oo u sameyn lahaa filimkaan ayaa loo heestaa kiis faraxumeyn dumar inuu ku lug yeeshay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video