Maxaa Diiday Director Anees Bazmee Iyo Ajay Devgn Inay Wada Shaqeeyaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Director Anees Bazmee  wuxuu haatan ku raaxeesanayaa amaanta weyn ee uu ku helay sameynta filimkiisa Mubakaran ee haatan tiyaatarada saaran.

Balse Director Anees Bazmee  waxaa dib loo xasuusiyay Super Star Ajay Devgn shaqadii quruxda badneyd ee kala dhaxeen jirtay waxa sababay inay hakad gasho.

Anees Bazmee inta uusan Director noqonin wuxuu ahaa qoraa Bollywood-ka ka dambeyn jireen asigoo qoray sheekooyinka filimada hirgaleen sida ‘Swarg’, ‘Shola Aur Shabnam’, ‘Bol Radha Bol’, ‘Aankhen’, ‘Raja Babu’, ‘Andaaz’ iyo ‘Laadla’.

Sanadii 1995 ayuu Anees Bazmee Director isku badalay filimkiisii kowaad waxaa hogaamiye ka noqday Ajay Devgn waana filimkii caanka ahaa Hulchul oo nasiib daro Boxoffice-ka ku fashilmay.

WARAR DHEERAAD AH:

Anees Bazmee mudo 3-sano ah ayay ku qaadatay inuu filimkiisa labaad la imaado waana Pyaar To Hona Hi Tha oo noqday Super Hit sidoo kalena waa mid ka mid ah aflaanta Ajay Devgn sida weyn ugu faano.

Anees Bazmee filimkiisii sedexaad Deewangee (2002) waxaa hogaamiye ka noqday Ajay Devgn inkastoo filimkaan ganacsi ahaan guul dareestay hadana sheekadiisa siweyn ayaa looga helay Ajay isagan wuxuu u qaatay abaal marino farabadan waana filim la wada jecel yahay.

Wixii markaas ka dambeeyay Anees Bazmee iyo Ajay Devgn islama shaqeynin waxayna kala qaadeen labo wado ayadoo Bazmee uu dhanka shactirada u weecday wuxuuna la yimid filimo Classic ah sida No Entry, Welcome, Singh Is King, Ready iyo kuwo kale.

Hadaba Anees Bazmee shabakada Times Of India ayaa weydiisay sababta uu Ajay ula shaqeynin mudo 15-sano ka badan wuxuuan ku jawaabay “Ajay saaxiibo dhow ayaan nahay inkastoo aan kala mashquulnay hadana marwalbo waan iska war heynaa”

“Marka aan usoo laabto isla shaqeynteena Ajay marwalbo diyaar ayuu u yahay inuu filimkeyga sameeyo laakiin aniga ayaa weli diyaarin filim u cadaalad fali karo Ajay awoodiisa marka uu shaashada soo hor istaago”

“Waxaan ka baqaa anigoo horey ugu sameeyay Pyaar To Hona Hi Tha iyo Deewangee inaan u dhiibo filim aan labadaas gaari karin waana ogahay inay adag tahay diyaarinta aflaantaas oo kale!”

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamed asad cismaan says:

    wan tageraa ajey deygan waana wana ktarkaa kaliyaa ee kuu hyo bollywoodka wax kale sooo raca 3 kale oo kala ah ameri khan hiritig roshan sharub khan




Featured Video