Mubarakan Oo Kaalinta 10-aad Kasoo Galay 10-ka Filim Ee Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Isku Darka Gudaha Iyo Caalamka

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Mubarakan ee fariinta shactirada iyo arimaha qoyska xambaarsan ayaa u suura gashay inuu ka mid noqdo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sedexda maalmood ee ugu horeyso (Top 10 Worldwide Opening Weekends 2017).

Mubarakan wuxuu suuqyada caalamka ka keenay $1.25 million sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay weliba Gulf-ka iyo Pakistan ayuu ganacsi heer sare ah ka sameeyay.

Mubakaran wuxuu keenay 38 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sedexda maalmood ee ugu horeesay inkastoo uu 10 Crore ka hooseeyo Arjun Kapoor filimkiisii ugu dambeeyya Half Girlfriend ganacsiga guud.

Hadana Mubarakan oo sare u kac sameenayo maalin walbo ayaa hanaan wanaagsan madama Half Girlfriend fagtii hore uu ahaa kadibna u dhulka galay.

Todobaadkii hore filimka la daawaday Munna Michael ee Tiger Shroff hogaamiye ka ahaa wuxuu keenay 33.25 Crore isku darka guud gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sedexda maalmood ee ugu horeyso (Top 10 Worldwide Opening Weekends 2017):

1. Bahubali: The Conclusion – 210 crore (Qaybta Af Hindiga Lagu Daawaday oo kaliya)

2. Raees – 129 crore

3. Tubelight – 109 crore

WARAR DHEERAAD AH:

4. Jolly LLB 2 – 83 crore

5. Badrinath Ki Dulhania – 76 crore

6. Kaabil – 58 crore

7. Jagga Jasoos – 51 crore

8. Half Girlfriend – 48 crore

9. Sachin – A Billion Dreams – 40 crore

10. Mubarakan – 38 crore Qiyaasta Xili Hore

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Ayuub says:

    Zakariye Abdi sxb waxad ishegta filmka PADMAN ee Akshay kumar iyo sanom kapoor hogamiyaha kayihiin so SANADKAN ladawan mayo

  2. Ayuub says:

    thankz sxb




Featured Video