Rasmi: Aragtida Kowaad Filimka Secret Superstar Oo Lasoo Bandhigay Iyo Xayeysiinta Aamir Khan Oo Bilaabatay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad filimka Secret Superstar waxaana hogaamiye ka ah Zaira Wasam halka Aamir Khan uu muuqaal marti la fidiyay ku leeyahay.

Filimka Secret Superstar waxaa Director ka ah Advait Chandan oo ahaa maamulaha xafiiska Aamir Khan mudoo dheer sidoo kalena Aamir Khan filim soo saare ama maal galiye ayuu ka yahay waxaana la daawa doonaa Diwali 2017 oo ku beegan 19-ka October.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale waxaa shaaca laga qaaday in goos gooska filimka Secret Superstar lasoo bandhigi doono 2-da bish August waana filim fariin wacan xambaarsan.

Secret Superstar wuxuu ka hadlaa gabbar yar oo rabto  inay heesaa noqoto iyo sida uu u caawin doono Aamir Khan oo muusigiiste ku jilaayo filimkaan.

Dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodaan Secret Superstar hada waxay ku darsadeen liiska filimada lagu kalsoon yahay inay qaybaha dambe sanadkaan guul gaari karaan madaama magaca Aamir Khan lagu lamaaneeyay filimkaan oo looga bartay sameynta aflaan tayo wanaagsan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video