Rasmi: Filimada Munna Micheal Iyo Lipstick Under My Burkha Mudo 10-Maalmood Lacagaha Ay Soo Xareeyeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Tiger Shroff filimkiisa Munna Michael ayaa haatan tiyaatarada gudaha Hindiya saaran mudo 10-maalmood wuxuuna sameeyay hoos u dhac 92% todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeesay.

Munna Michael wuxuu noqday filim ganacsigiisa hal todobaad dhaafi waayay wuxuuna cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa 35 Crore asigoo Flop ah madaama lagu qarash gareeyay 45 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo Munna Michael iyo lacagaha uu keenay mudo 10-maalmood ah gudaha Hindiya sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 31.43 Crore

Todobaadka labaad  – 1.50 Crore (mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 32.93 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka miisaaniyada yar ee 6 Crore lagu sameeyay Lipstick Under My Burkha ayaa ganacsigiisa weli wanaagsan yahay wuxuuna noqon doonaa filim Hit ah hubanti ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo Lipstick Under My Burkha lacagaha uu keenay mudo 10-maalmood ah sida Boxoffice India soo daabacday:

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka kowaad – 10.18 Crore

Todobaadka labaad – 3.50 Crore (mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 13.68 Crore (Trade Figure)

Lipstick Under My Burkha wuxuu ku istaagi doonaa 19 Crore ilaa 20 Crore inta u dhaxeyso waana mashruuc si lama filaan ah guul ku gaaray.

Ugu dambeyntii filimka Hollywood-ka ah Dunkirk ayaa ganacsi dhex dhexaad ah ama Average ah gudaha Hindiya ka sameeyay weliba todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeesay wuxuu ka lacag badiyay filimada Munna Michael iyo Lipstick Under My Burkha asigoo Af Ingiriis kaliya lagu daawanayo!

Fadlan hoos kaga bogo Dunkirk  iyo mudo 10-maalmood lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay:

Tododobaadka kowaad – 16.58 Crore

Todobaadka labaad – 4.75 Crore (mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 21.33 Crore (Trade Figure)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video