Rasmi: Filimka Mubarakan Iyo Lacagaha Uu Keenay Sedexdiisa Maalmood Ee Ugu Horeesay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruiz filimkooda Mubakaran ayaa ganacsi gaabis ah sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay gudaha Hindiya.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Mubarakan ayaa keenay 22.50 Crore (Trade Figure) sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay.

Mubarakan waxa uu ku wanaagsan waxay tahay inuu sare u kac aad u weyn sameeyay maal maha sabti iyo axad inkastoo Jimcadii uu ganacsi liito sameeyay midaasna waxay ka dhigan tahay rajo wanaagsan laga qabo inuu ganacsigiisa dhulka galin maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis.

Mubakaran ganacsigiisa heer sare ayuu gaari lahaa hadii uu Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi iyo Punjab ayuu ku liitay inkastoo filimkaan fariintiisa reer Waqooyi loogu tala galay.

Dhawaanahan lama arkin filim Axadiisa keeno lacago labo laabo ka badan Jimcadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay waxaana dhacday in qoysaskii Hindiya oo dhan usoo daawasho tageen filimka Mubarakan maalintii shala ahayd.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Mubarakan lacagaha uu keenay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay:

Jimco – 5 Crore Qiyaas

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti – 7.25 Crore Qiyaas

Axad – 10.25 Crore Qiyaas

Wadarta Guud – 22.50 Crore (Trade Figure) Qiyaasta xili hore

Dhinaca kale filimka Indu Sarkar ganacsi aad u liito ayuu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay wuxuuna keenay 3.25 Crore (Trade Figure) waana filim fashilmay oo aan rajo buuran laga qabin.

Fadlan hoos kaga bogo Indu Sarkar lacagaha uu keenay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay:

Jimco – 85 Lakh

Sabti – 1.05 Crore

Axad – 1.35 Crore

Wadarta Guud – 3.25 Crore (Trade Figure)

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Waaya Arag says:

    Sxb Sare Zaki Adoo Mahadsan Waxaad Iisheegtaa Filimka Indu Sarkaar Yaa Hpgaamiye Ka eh Ama jilaayaashiisa War Wacal Kam Haayo Saan Filaayo Waa Filim Iska Hadal Heen Yar




Featured Video