Varun Dhawan Ma Wuxuu Iska Diiday Director-ka Filimka Dangal Nitesh Tiwari Inuu Filim U Sameeyo?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha dhalinta yar Varun Dhawan ee noqday xidig filimada si joogto ah u gadi karo ayaa la sheegay inuu iska diiday Director  Nitesh Tiwari filim uu usoo bandhigay.

 Nitesh Tiwari waa Director-kii sameeyay filimka Dangal ee Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa kaasi oo All Time Blockbuster noqday.

WARAR DHEERAAD AH:

Varun Dhawan wuxuu Director  Nitesh Tiwari mashruuciisa u diiday inuu waqti u heynin filimkaan madaama uu dhameestiray filimka Judwaa 2 hadana xayeysiis balaaran ayuu u sameen doonaa ilaa 29-ka September tiyaatarada laga saarayo.

Kadib Varun Dhawan wuxuu ka hawl gali doonaa filimka October ee uu iska leeyahay Director Soojit Sircar sidaa darteed hawlo kale ma gali karo xiligaan.

Director  Nitesh Tiwari wuxuu yiri “Waxaan rabay Varun inaan u dhiibo filimkeyga xiga balse wuu mashquulsan yahay inkastoo uu sheekada ka helay hadana wuxuu ii sheegay inuusan xiligaan waqti heynin, anagana waxaan haatan baadi goob ugu jirnaa atoore dhalin yar oo dadka soo jiidan karo”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video