Anushka Shetty Cayilkeeda Ayaa U Aqoonsaday Inay Filimka Saaho La Sameyso Prabhas

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaan horey idin kula wadaagnay in atirishada awooda badan Anushka Shetty la sameyn doono Prabhas filimkiisa xiga Saaho.

Siweyn ayaa aqbaartaan loo soo dhaweeyay madaama labadaan jilaa si wacan u wada jileen filimka Baahubali sidoo kalena la isku xanto inuu xiriir qarsoodi ah ka dhaxeeyo.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse haatan waxaa la sheegay in Anushka Shetty ku guul dareesatay sameynta filimka Saaho waxaana ugu wacan in xidigtaan miisaanka ay iska dhimi weyday.

Anushka Shetty tababar adag ayay sameesay todobaadyadii ugu dambeesay si ay filimka Saaho isugu diyaariso balse nasiib daro miisaanka laga rabay inay filimkaan ku jisho wey keeni weesay waxaana weli siyaado ku ah 5 ilaa 8-kiilo.

Sidaa darteed filimka Saaho nasiib daro Anushka Shetty ma sameyn doonto waxayna warbaahinta Koonfur Hindiya haatan sheegeen in Shraddha Kapoor kooxda filimkaan la saxiideen.

Dhawaan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa in Shraddha Kapoor ay filimka Saaho la jili doonto Prabhas waxaana filimkaan qaaliga ah lagu daawan doonaa luqadaha Telugu, Tamil iyo Hindi.

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Waaya Arag says:

    Maskiin Qofta Weey Kaa Taala Maxaan Kuu Sameenaa Hadii Hilibka Ku Saaran Ku Ciilay Oo Kaa Dagi Waayay Bro Qoftaan Soo Dhawaan Nin Reerkeeda Maku Dari Rabinoo Waa Maaxay Sheekadaan Cusub In La Isku Xanto Labadaan jilaa

  2. Mariya Xasan says:

    Waa arin fican in shraddha kapoor ay la saxiixato mdama ay qoftan xajmigeeda controli kari weyday all d best saaho team

  3. khaalid cade says:

    hhhhh gym waxa ima tarin ku hees deee




Featured Video