Faah Faahin Ku Saabsan Zayed Khan Oo Musal Salada Kusoo Biiray Iyo Taxanihiisa Cusub

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bilawgii qarnigaan waxaa Bollywood-ka kusoo biiray wiil soo jiidasho leh oo lagu magacaabo Zayed Khan laakiin nasiib daro mashaariicdiisii ugu horeeyay markii ay fashilmeen xaalka ayaa ku cakirmay.

Zayed Khan si uu fanka baaqi ugu sii ahaado wuxuu isku badalay atoore caawiye dhawaanahan xitaa wuu waayay qof shaqo u dhiibto!

Zayed Khan wajiga ayuu badashay haatana TV-yada ayuu ku biiray wuxuuna sameyn doonaa filimada musal salada ama taxane ahaan loo daawado.

WARAR DHEERAAD AH:

Zayed Khan musal salkiisa cusub waxaa la dhahaa Haasil waxaana la jilayaan labada TV-yada caan ku ah Nikita Dutta iyo Vatsal Seth, sidoo kalena atirishadii 90-maadkii Sheeba ayaa door muhiim ah ku leh.

Musal salka Haasil Zayed wuxuu ku jilaa ganacsade halka Vatsal Seth uu walaalkiis ku jilaayo sidoo kalena Sheeba hooyadood ayay ku jilee.

Laakiin musal salkaan waxaa xiiso gaar ah u yeelayo labada walaalaha ah inay isla jeclaanayaan Nikita Dutta sidoo kalena ku tartami doonaan.

Siddharth P. Malhotra ayaa musal salka Haasil maal galin doono halka Samir Arora uu sheekada qoray waxaana duubis lagu bilaabi doonaa todobaadka dambe ayadoo daawashadiisa ay bilaaban doonto bisha September ee nagu soo fool leh.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Mariya Xasan says:

    Isninta mise nikitta

  2. ayan Mohamed awil says:

    Wow Nikita dutta atirashadi musalsalka Ek duje Ke vaaste Iyo vatsal sheth khayiin but I like him Wuxuu kuso baxaya sanjeeda Sheikh




Featured Video