Rasmi: Ajith Kumar Filimkiisa Vivegam Oo La Faaf Reebay Shahaadada La Siiyay Iyo Xiliga La Daawan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa  si rasmi  ah shaaca looga  qaaday filimka  Vivegam ee  hogaamiyaal ka yihiin  Ajith Kumar Iyo Kajal Aggarwal  in gudiga  filimada faaf reebaan la hor geeyay.

Gudiga filimada Hindiya  faaf reeban  Censor Board OF Film Cerfication  (CBFC)  ayaa si  rasmi ah u daawadeen filimka  Vivegam  ayagoo   siiyeen  shahaadada  lagu daawan  lahaa sidoo  kale hal muuqal lagama jarin.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka  Vivegam  waxaa la siiyay shahaadada loo yaqaan U/A Certificate oo ah in qof walbo daawan karo filimka sidoo  kale  caruurta  12-sano ka weyn ayaa daawan  karaan  ayagoo  la socdo  waalidkooda  ama  qof masuul ah.

Sidoo  filimka Vievegam oo qorshaha  ahaa in  la daawado  10 August  ayaa dib  loo  dhigay  waxaana  shaaca laga qaaday in la daawan doono 24 August.

Filimka  Vivegam oo Ajith Kumar  xarako dheeraad  kusoo bandhigi  doono  waana  filim ka  hadlaayo  arimaha sirdoonka  si weyn  loo wada sugaayo.

Filimka Vivegam oo lacago qaali ah lagu qarash gareeyay waxaa director ka ah Siva waxaana Ajith filimka la jilaayo Akshara Haasan. Kajal Aggarwal iyo Vivek Oberoi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video