Rasmi: Alia Bhatt Iyo Vicky Kaushal Filimkooda Raazi Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga La Daawan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Raazi oo ay hogaamiyaal ka yihiin Alia Bhatt iyo Vicky Kaushal waxay ka mid yihiin aflaanta sida weyn loo sugaayo sanadka dambe.

Filimka Raazi oo haatan duubistiisa magaalada Mumbai ka socoto ayaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 11 May 2018.

WARAR DHEERAAD AH:

Raazi ayaa ku saabsan sheeko ahaan gabbar 20-jir Hindi ah oo sirdoon ama jaajuus ah taasi oo guursaneyso sarkaal ciidamada Pakistan ka tirsan waxayna xog siineysaa marwalbo saraakiisha ciidanka Hindiya.

Filimka Raazi ayaa ku saabsan sheekada buuga Calling Sehmat ku qoran oo ka hadleyso waqti ahaan sanadii 1971 markii dagaalka Hindiya iyo Pakistan socday.

Filimka Raazi waxaa maal galiyay Karan Johar oo adeegsanayo shirkadiisa Dharma Productions sidoo kalena isaga ayaa shaaca ka qaaday in 11 May 2018 la daawan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Waaya Arag says:

    Filimside Sheekooyinka Bugaagta Ku Qoran Ee Filim Ahaan Loo jilayo Miyaanan Qoraaga Xuquudiisa La Dhooreen Mise Lacagtuu Dalbado ayuu Qaataa

  2. Abdiasis says:

    Asc Asxby halsano ayaaaan idiona sogouaaaa taarikhdiii ravi taja Maxaaa d kawadiin sidaaa Mayey balantiina thy

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalkeen raali ahaaw barnaamijka taariikhaha taxane aha inoo ahaan jiray dib waan u bilaabi doonaa Jimco walbo balse Web-ka bilooyinkii ugu dambeeyay cilado guud iyo gaar ah ayaa qabsadeen.
      Insha Allah bishaan August shaqo balaaran ayaan ka qaban doonaa kadibna barnaamijkeena Taariikhiha waxaan ku bilaabi doonaa Ravi Teja.
      Wey dhici kartaa mararka qaar hadii dhacdo kadis ah dhacdo sida geeri jilaa caan ah inaan taariikhdiisa soo gudbino balse jadwalkeenii caadiga ah hal bil kadib ayaan soo celin doonaa.

  3. tayo says:

    wll wiilak ali path filimkan la sameynaya bollywoodka miyuu ku cusub yhy sido kale filimkan ma hogaamiye ayuu ka yahy mise waa waa door caawiye ahaan uun oo alia path aya hogaminysa mahadsanid




Featured Video