Sunny Deol Oo Beeniyay In Wiilkiisa Karan Deol Shirkada Yash Raj Films Soo Caan Bixin Rabtay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Sunny Deol ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in wiilkiisa Karan Deol ay shirkada Yash Raj Films soo caan bixin rabtay balse arinkaas markii dambe la isku fahmi waayay.

Karan Deol haatan wuxuu duubayaa filimkiisa kowaad Pal Pal Dil Ke Paas waxaana Director ka ah Sunny Deol ayadoo filimkaan la daawan doono sanadka dambe.

WARAR DHEERAAD AH:

Sunny Deol oo ka hadlaayya sheekada saxaafada hadal heyso wuxuu yiri “Karan soo saaristiisa ma jirto cid aan kala tashanay, kaliya aniga ayaa qorsheenay inaan soo saarno waa waajib midaas naga saarin qurxinta shaqadiisa kowaad”

“Shirkada Yash Raj Films xiriir wanaagsan iyo xushmad gaar ah ayaa naga dhaxeeyo balse marnaba kama wada hadlin inay Karan inoo soo caan bixiyaan”

Shirkada Yash Raj Films dhawaanahan waxay soo caan bixisay qaar ka mid ah jilaayaasha xiligaan Bollywood-ka ugu caansan sida Anushka Sharma, Ranveer Singh, Arjun Kapoor, Parineeti Chopra kuwaas oo dhamaantooda mid walbo sedex filim u sameeyay marka kowaad.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video