Aamir Khan Oo Mumbai Kusoo Laabtay Asigoo Soo Bandhigi Doono Goos Gooska Filimka Secret Superstar

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star  Aamir Khan  oo ku  mashquulsan  duubista  filimkiisa  Thugs Of Hindostan  ayaa kusoo laabtay magaalada  Mumbai  asigoo  kusoo  bandhigi  doono  goos  gooska  filimka  Secret Superstar.

Aamir Khan  oo  Malta ku  duubaayay filimka  Thugs Of Hindostan nasasho ayuu qaatay asigoo waqti wacan la qaatay  qoyskiisa  oo  dalxiiis  u geeyay Greece iyo Italy.

WARAR DHEERAAD AH:

Haddab  Super  Star Aamir Khan  ayaa kusoo  laabtay gudaha hindiya asigolo maanta soo bandhigi doono goos gooska  dhameestiran ee  filimka   Secret Superstar.

Sidoo kale  Aamir Khan  ayaa bilaabi doona  xayaysiinta  filimkaan Waxaana  Aamir Khan  goos  gooska  filimka Secret  Superstar  maanta  lasoo  bandhigi  doona Kiran  Rao, Zaira Wasim,  Sujay Kutty  iyo  director  Advait Chauhan.

Filimka  Secret Superstar  waxaa hogaamiye ka ah  gabadha  kusoo  caan baxday  Dangal  ee Zaira Wasim, halka Aamir  uu door  caawiye  ah ku  leeyahay waana  filim xiiso  badan oo la  daawan  doono October 18, 2017.

Secret Superstar  waxaa maal  giliyay  Aamir Khan   waxaana director ka ah Advait Chandan  waana filim faqiin waaqici  xambaarsan oo  kalsooni  lagu  qabo.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    supar star Amirkhan wxn kuqabna kalsoonibuuxda wxan urajayndoona thurot of hindustan iyo scret suprstar. lbad filim inay noqondoonan callsec




Featured Video