Allu Arjun Filimkiisa Naa Peru Surya Oo Duubistiisa Ka Bilaabmi Doonto Hyderabad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Stylish Star Allu Arjun filimkiisa  xiga  Naa Peru  Surya  oo  uu ku matalaayo  sarkaal  ciidanka  military-ga ah ayaa shaaca laga  qaaday  in duubistiisa  ka bilaabmi  doonto  Hyderabad.

Kooxda filimka  Naa Peru  Surya  ayaa  shaaca  ka qaaday  duubista filimkooda  inuu ka  bilaabi doonan  Hyderabad waxaan a markoodi  ugu horeysay  filimkaan  ku  midoobi  doonan  Allu Arjun Iyo qoraaga caanka ee Vakkantham Vamsi  oo ah  filimkiisa  ugu  horeeyay ee uu  director  ka  noqan  doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Vakkantham Vamsi  hori  wuxuu u qoray  sheekada filimada  Kick iyo Temper iyo filimo  kale caan ah  waana qoraa caanka ah  koonfur  Hindiya.

Allu Arjun ayaa  haatan ku  sugan USA  asigoo  tababar  u aaday  wuxuuna isku soo  diyaarinaaya  doorkiisa  filimka Naa Peru  Surya waxaana Arjun filimkaan la jili doono Anu Emmanuel, Arjun Sarja iyo Sarath Kumar.

Naa Peru  Surya waa mashruuc weyn oo sanadka danbe la daawan doono waxaana Music-ka filimkaan saaraayo Vishal-Shekhar halka maal giliye ay ka yihiin Sirisha Lagadapati Sridhar iyo Nagababu.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video