Filimka Jagga Jasoos Ganacsigiisa Gudaha Iyo Daafaca Caalamka Halka Uu Maraayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif filimkooda Jagga Jasoos mudo 18-maalmood ganacsiga uu sameeyay waxaa soo daabacday shabakada Boxoffice India.

Jagga Jasoos cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 53 Crore ayadoo wax yar u raaci doonaan wuxuuna ka gaabin doonaa inuu 54 Crore.

Jagga Jasoos waa Big Flop wuxuuna la mid yahay qasaaro ahaan intii lagala kulmay filimkii Mohenjo Daro ee Hrithik Roshan sanadii hore sameeyay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Jagga Jasoos waxaa lagu qarash gareeyay 131 Crore wuxuuna ka mid yahay aflaanta ugu qaalisan madaama qarash xoogan ay ku bixisay shirkada Disney sameynta filimkaan sidoo kalena Ranbir Kapoor soo saare ayuu ka ahaa waxaa lagu daray Market Value-giisa ama lacagaha uu haatan suuqa ka qaato kaasi oo u dhaxeeyo 25 Crore ilaa 30 Crore.

Jagga Jasoos wey ku adkaatay inuu dib usoo celiyo 100 Crore qarash gaarayo waana mashruuc siweyn loogu qasaaray, fadlan hoos kaga bogo lacagaha uu keenay filimkaan mudo 18-maalmood ah:

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka kowaad – 43.12 Crore

Todobaadka labaad – 8.57 Crore

Todobaadka sedexaad – 1.20 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 52.89 Crore (Trade Figure)

Dhinaca suuqyada caalamka Jagga Jasoos ganacsigiisa wuxuu ku istaagi rabaa $3 million taasi oo ka dhigan in filimkaan 90 Crore uu keeni doono isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Jagga Jasoos iyo Mohenjo Daro qasaaro ahaan farqiga u dhaxeeyo waxay tahay in Mohenjo Daro suuqyada caalamka ganacsi fiican ka sameeyay taasi oo ka caawisay in filimkaan 104 Crore soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video