Mr. Prefectionst Aamir Khan Oo Ugu Dambeyn Ka Hadlay Filimka Weyn Ee Baahubali 2!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Aamir Khan ayaa ugu dambeyn kusoo laabtay magaalda Mumbai asigoo ka yimid Yurub halkaaso uu dalxiis ugu waday qoyskiisa sido kale wuxuu soo gabagabeyay qeyb kamid ah duubista filimkiisa Thugs Of Hinduston.

hadaba xidigaan ayaa kusoo biiray kooxda filimkiisa xiga ee Secret Super Star kaaso goos-gooskisa lasoo bandhigayey, hadaba xidigaan ayaa saxaafada wareysi dheer la yeelatay.

wuxuu ka hadlay filimkiisa Dangal iyo awoodisa Box-officeka meesha uu tiigsaday ugu dambeyna waxaa laweydiyay filimka reer Telugu ay iska leeyihiin ee Baahubali 2 kaaso awood weyn ku yeeshtay guud ahaan India oo dhan.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimkaan markii lagu daawaday qeybta af hindiga wuxuu sameyay iskooro lixaad leh asigoo cagta wada mariyay dhamaan iskooradii u yiilay aflaamta Hindiga wuxuuna noqday Blockbusterka ugu weyn ilaa iyo sanadii 1994 aflaamtii la daawaday ilaa iyo hada kaliya marka laga reebo filimka Hum Aapke Hai Kaun oo isaga wali lacagihiisa loo dhowaan karin.

hadaba Aamir Khan oo ka hadlaaya filimka Baahubali 2 wuxuu yiri,” shaqsi ahaan markaa u hadlo Baahubali 2 waa filim weyn hormar weyna gaaray sido kalena India oodhana hormar gaarsiyay maadama uu la yimid waxaan horey loo arag, aadbaan ugu faraxsanahay darajada uu tiigsaday Baahubali2.”

” waxaan si fudud ku dhihi karaa Filimkaan wuxuu natusay awooda ay leeyihiin aflaamta Hindiga taaso ayanna horey u arag waana filim waxtar leh oo inbadan lagu faani karo, aadbaan ugu mahadcelinaya kooxda filimkaan shaqada quruxda badan ka qabtaya hambalyo ayaan idin leeyahay waana kufaraxsanahay shaqadiina.”

dhanka shaqada Aamir filimkiisa xiga waa Secret Superstar kaaso  ay sido kale wax ka hogaamin doonan xidigaha kala ah Meher Vij iyo Raj Arjun waxaana Director ka ah Advait Chandan halka la daawan doono Diwali ga sanadkan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Aamir says:

    zakariye sxb filmka Hum aapke hai kaun yaa atoore ka ah imisa ayuuse boxofficeka kaso xareeyay




Featured Video