Sushant Singh Rajput Iyo Muuqaalkiisa Filimka Chanda Mama Door Ke Oo Lasoo Bandhigay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa horey shaaca looga qaaday in atooraha door walbo sameyn karo Sushant Singh Rajput sameenayo filim lagu magacaabo Chanda Mama Door Ke sidoo kalena uu ku jilaayo cirbixiyeen.

Hadaba waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay muuqaalo u gaar ah Sushant doorkiisa filimka Chanda Mama Door Ke oo ka mid ah aflaanta sida weyn loo sugaayo sanadka dambe.

WARAR DHEERAAD AH:

REVEALED! Sushant Singh Rajput’s Look From Chanda Mama Door Ke

Sushant ayaa haatan ku sugan xarunta shirkada NASA ee ku taalo magaalada Alabama dalka Mareekanka wuxuuna ku tababaranayaa sida dayax gacmeedka loo wado ama loo adeegsado madaama uu hawada sare u safri doono filimkaan.

REVEALED! Sushant Singh Rajput’s Look From Chanda Mama Door Ke

Shirkada Eros International iyo Viki Rajani ayaa isla maal galin doonaa halka Sanjay Puran Singh uu Director ka yahay Chanda Mama Door Ke waana filimkii ugu horeeyay ee si toos ah arimaha dayax gacmeedka iyo satellite-ka ka hadlaayo ee Hindiya sameeyaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video