Aamir Khan Isaga Kaliya Miyaa Ah Atooraha La Isku Haleen Karo Xiligaan?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa ka hadlay sida qaldan ay saxaafada marwalbo loolan aan jirin kaga dhex abuuraan sedexda Khans oo ah kuwa xiligaan Bollywood-ka ugu awooda badan.

Aamir Khan wuxuu sheegay inuu tixgaliyo shaqooyinka ay qabtaan labada Khan sidoo kalena marwalbo ku faraxsan yahay doorarka kala duwan oo ay sameeyaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Aamir Khan wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay doorka aan fanka Hindiya ku leeyahay iyo sida aan qof walbo isku fahmi karno, sidoo kalena waxaan ku raaxeestaa xiriirka wacan ee daawadayaasha igala dhaxeeyo”

Aamir Khan waxay saxaafada weydiisay inuu yahay atooraha kaliya ee xiligaan la isku haleen karo dhanka Boxoffice-ka wuxuu ku jawaabay “Shaqada marnaba lama sadaalin karo, waayo ma jiro qof guusha joogteyn karo sidaa darteed aniga ma ihi qofka kaliya ee la isku haleen karo fanka”

“Salman Khan iyo Shah Rukh Khan waa atoorayaal awood waana ku faanaa doorka ay ku leeyihiin Bollywood-ka, qof walbo shaqo adag ayuu qabtaa iyo xirfad u gaar ah waxaana ku faraxsanahay in qof walbo guushiisa mudo dheer soo jirtay”

Aamir Khan wuxuu haatan xayeysiis u sameenayaa filimka uu soo saaraha ka yahay sidoo kalena muuqaal marti ah ku leeyahay Secret Superstar lana daawan doono 19 October oo ku beegan Diwali 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video