Filimka Jab Harry Met Sejal Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay Iyo Sida Uu Hit Ku Noqon Karo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK 7-bilood ka hor wuxuu la yimid filimka Raees oo ilaa haatan ah filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay sanadkaan 2017 Bollywood-ka sameeyeen, xisaabta kuma jiro Baahubali 2 waayo Bollywood ma ahan.

Hadaba King Khan wuu soo laabtay waxaana berito tiyaatarada loo saari doonaa filimka jaceylka iyo shactirada ah Jab Harry Met Sejal oo la wada sugaayo.

Filimka Jab Harry Met Sejal SRK waxaa la jileyso Anushka Sharma halka Imtiaz Ali uu Director ka yahay sidoo kalena waa filim kaligiis berito tiyaatarada la saari doono.

Jab Harry Met Sejal Iyo Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay: Qiyaasta xili hore waxay sheegeysaa in filimka Jab Harry Met Sejal lagu qarash gareeyay 85 Crore ilaa 90 Crore lacago u dhaxeeyo kumana jirto lacagaha uu SRK filimada ku sameeyo madaama uu soo saare ka yahay.

Hadii lagu daro SRK suuqa maanta lacagaha uu ku qaadan karo awoodiisa filim sameynta lacagta guud ee filimka Jab Harry Met Sejal waxay isugu tageysaa 125 Crore ilaa 130 Crore.

Jab Harry Met Sejal Tiyaatarada Laga Daawan Doono: Filimkaan waxaa laga daawan doonaa 3400-tiyaatar waana filim inta badan laga fiirsan doono tiyaatarada Multiplex ee dadka dabaqada sare usoo daawasho tagaan.

Suuqyada caalamka ku dhawaad 1000-tiyaatar ayaa laga daawan doonaa madaama SRK aflaantiisa daafaha caalamka siweyn looga daawado.

Jab Harry Met Sejal Iyo Dhaqaalaha Uu Xambaarsan Yahay:

Filimka JHMS marhore ayaa faa’iido xoog leh laga helay madaama shirkada NH Studios ay ku iibsatay 125 Crore xuquuqdiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Si gaar ah NH Studios xuquuqda qeybinta cajaladaha filimkaan gudaha Hindiya kaliya waxay ku iibsatay 75 Crore sidaa darteed filimkaan waa inuu 150 Crore gaaro si uu lacagihiisa dib ugu soo celiyo ama uu daraja Average gaaro.

Miisaaniyada Jab Harry Met Sejal (Budget):

Qarashaka ku baxay sameynta filimkaan (Productions Costs): 70 Cr

Qarashka ku baxay xayeysiin u samenta filimkaan (Marketing Costs): 20 Cr

Wadarta Guud: 90 Crore

Lacagaha Dib Looga Helay (Recovery Coast):

WARAR DHEERAAD AH:

Xuquuqda Satellite: 45 Cr

Xuquuqda Muusigada: 15 Cr

Xuquuqda cajaladaha filimkaan qaybtiisa Digital-ka ama Computer-ka lagu daawanayo iyo xuquuqaha xayeysiimaha shirkada kala duwan loogu sameeyay filimkaan: 35 Cr

Xuquuqda qeybinta cajaladaha lagu iibsaday gudaha Hindiya: 75 Cr

Xuquuqda qeybinta cajaladaha suuqyada caalamka: 40 Cr

Wadarta Guud: 210 Crore

Kooxda Filimkaan Sameesay Faa’iidada Ay Heshay:

210 Crore (lacagaha dib loo helay) oo laga jaray lacagaha lagu qarash gareeyay 90 Crore waxay faa’iido ahaan u heleen 120 Crore ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Siduu Flop Ama Hit Ku Noqon Karaa JHMS:

Flop: 150 Crore ka yar marka uu keeno

Average: 150 Cr

Hit: 160 Cr

Super Hit: 195 Cr

Blockbuster: 225 Cr

Sadaasha Laga Bixiyay Filimkaan Natiijadiisa Boxoffice-ka

Madaama JHMS hadal heyntiisa aad u sareynin marka laga hadlaayo inuusan ahayn filim dadka oo dhan loogu tala galay waxaa la rajeynaa in maalinta 18 Crore ilaa 20 Crore uu keeni karo.

Filimkaan dadka reer magaalka kaliya loogu tala galay waxaa rajo wanagsan laga qabaa inuu 150 Crore keeni karo hadii sheekadiisa ay soo dhaweeyaan dadka loogu tala galay ee magaalooyinka ku nool hadii kale ganacsigiisa Boxoffice-ka cariiri ayuu gali doonaa madaama hal todobaad kadib filimka Toilet Ek Prem Katha tiyaatarada lasoo saari doono.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Farhan khan says:

    JHMS guul wacan inuu sameenaayo shaki kuma jiro SRK awoodiisa ayaa ah dal iyo dibad
    Viva Shahrukh

  2. Ismail Aamir says:

    Super hit or blockbuster

  3. m.guursade says:

    waa FLOP haday u badado wuxu keenaya 130 crore sidasu flop ku noqanaya…sorry SRK

  4. nahwe says:

    Flop
    WEeye
    een
    Waxaan rajeynayaa
    INa aanu keeni kreyn maalinka kowaad xataa 9 corr

  5. daa'uus says:

    wll lacagaha daafaha caalamka ma lagu tirinayaa mise hindiya gudaheeda oo kaliya
    mahasanid.




Featured Video