Kiiska Daroogada Tollywood-ka Oo Cirka Isku Sii Shareeyay Iyo Qoyska Rana Daggubati Waxa Arinkaan Soo Galiyay!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Todobaadyadii ugu dambeeyay booliska magaalada Hyderabad waxay su’aalo kala duwan weydiiyeen qaar ka mid ah jilaayaasha Tollywood ugu caansan.

Sababtana waxay tahay waxaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad daroogada ka ganacsadaan waxayna booliska u sheegeen in ka ganacsiga daroogada Hyderabad ku baahay sidoo kalena ay jirto shabakad xitaa jilaayaasha Tollywood-ka ku jiraan oo arimaha daroogada ganacsigeeda fududeeyaan.

Ravi Teja waa Super Star caan ah booliska ayaa su’aalo weydiiyeen wuxuuna u cadeeyay in kiiskan daroogada magaciisa lagu soo lifaaqay uusan shaqo ku laheyn sidoo kalena shaqsiyaad kale oo fanka Telugu ka tirsan ayaa la wareestay.

Haatan sheekada daroogada cirka ayay isku sii shareertay kadib markii jilaaga caanka ah Ranna Daggubati aabihiis Suresh Babu Daggubati looga shakiyay in xirmo daroogo ah gurigiisa loogu keenay.

WARAR DHEERAAD AH:

Xirmaan waxaa looga soo dhiibay soo saare Suresh Babu Daggubati Studio-yaha caanka ah Ramannaidu studio waxaana loogu keenay gurigiisa intaas oo dhana booliska dabagal ayay ku hayeen.

Suresh Babu Daggubati markii la weydiiyay xirmada qafilan waxaa ku jiraan wuxuu sheegay in dalab gaar ah uu isaga darsaday ku jiraan balse uusan wax qalad ah sameynin sidoo kalena daroogo iyo waxyaabo maan dooriye ah uusan adeegsanin.

Waxaa la sheegay in saraakiil booliska ah guriga Suresh Babu Daggubati imaadeen sidoo kalena baaritaan ku sameeyeen boorsadii xirneyd sidoo kalena la fahmi karin waxa ku jiray.

Markii ay baareen kadib booliska wey iska tageen sidoo kalena Suresh Babu Daggubati gurigiisa lagama kaxeynin madaama wax dambi ah lagu waayay.

Sidaa darteed booliska magaalada Hyderabad dabagal xoogan ayay ku hayaan shaqsiyaadka caanka ah si loo yareeyo daroogada oo xad dhaaf u dhex gashay bulshada gobolka Telugu ku nool dhibaatana ku heyso.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video