Maqaal: Sidee Dhalinta Bollywood-ka Xiligaan U Kala Awood Badan Yihiin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shabakada Boxoffice India ayaa ku qasbanaatay inay maqaal kasoo saarto sida ay wax u socdaan madaama dhalinta Bollywood-ka xiligaan saxaafada hadal heyso inay yihiin Super Star-da berito sidoo kalena aan awoodooda loo dhawaan karin.

Hadaba maqaalka ay sheekadan Booxffice India ka diyaarisay shabakada Filimside ayaa kuu soo turjuntay fadlan hoos kaga bogo:

Sida ay dhalinta Bollywood-ka xiligaan u kala awood badan yihiin gaar ahan atoorayaasha waxaan u sameenay nidaam lagu ogaan karo awoodooda.

Waxaan soo qaadanay 5-tii sano ee ugu dambeesay iyo atoore kasto filimada uu la yimid lacagaha ay soo xareeyeen oo cel celis ahaan laga sameeyay.

Arinkaan ma ahan mid si toos ah  loogu dabaqi karo jilaayaasha oo dhan laakiin dhalinta waa lagu dabaqi karaa madaama ay iska ag dhow yihiin tirada filimada ay sameeyaan sanad walbo.

Laakiin atoorayaasha waa weyn nidaamkan laguba dabaqi karo waayo Akshay Kumar 15-filim iyo ka badan ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay halka Aamir Khan uu sameeyay sedex ilaa 4-filim marka nidaamkaan ma shaqeenayo marka laga hadlaayo awooda atoorayaasha waa weyn.

Filimada qaar sida Dilwale, Brothers iyo M.S. Dhoni – The Untold Story xisaabta looguma darin atoorayaasha dhalinta yar waayo filimadaas siyaabo kale ayay ganacsi xoogan u sameeyeen hadii ay noqon laheyd Super Star weyn inuu ku jiro ama mashruucaba uu yahay mid dhalinta ka weyn.

Atoore sal dhigtay oo xidig noqday (established star) waa in cel celis ahaan filimadiisa marka la isku daro 100 Crore gaaraan mudo 5-sano gudaheeda!

Laakiin nasiib daro dhalinta maanta lagama haayo mid darajadaas mudo 5-sano ah ku gaaray marka waa nasiib daro inay saxaafada dadka marin habaabiso awoodana laga dhigo mid caaninimo iyo bilado ku xiran!

Sanadaha soo socdo atoorayaal cusub ayaa fanka kusoo biiri doonaan halka kuwa haatan dhalinta yar qaarkood meesha ka bixi doonaan madaama awood aysan laheyn ama jiritaankooda dhanka fanka si dabiici ah u dhamaan doono.

Tusaale ahaan Shahid Kapoor mudo dheer ayuu fanka ka tirsan yahay hadana kuwo waqti ahaan ka dambeeyeen ayaa awood ahaan dhaafeen, maantana wuxu taagan yahay heer laga taqalusi rabo hadii uusan soo kabasho waali ah sameynin!

Qodobka kale ee muhiimka ah wuxuu yahay in farqiga dhalinta u dhaxeeyo maanta aad u sareeyo madaama sedexda hore ay ka wanaagsan yihiin 7-da kale ee kusoo xigto waxaana dhici doonto dhawaan labo awood badan iyo 8-tacbaan ah inay fanka isugu soo haraan kuwa dhalinta yar!

Tan iyo sanadii 1947 awooda atoore iyo jiritaankiisa waxay ku xirnaan jirtay Boxoffice-ka waxa uu ka sameeyo laakiin jiilka hada jiraan waxay iska dhaadhacsiiyeen bilad iyo caanimo baraha bulshada in awood lagu yeesho waana arin qayaali ah.

Sheekada waxay isugu soo biyo shubanee atoore kasto filimkiisa ganacsiga uu Boxoffice-ka ka sameeyo inay ku xiran tahay jiritaankiisa awood ahaaneed ee fanka Hindiya.

Fadlan hoos kaga bogo dhalinta maanta gaar ahaan atoorayaasha iyo mid walbo 5-tii sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen oo cel celis ahaan laga sameeyay taasi oo ah halka kaliya ee laga fahmi karo sida ay u kala awood badan yihiin:

1. Ranbir Kapoor

Barfi! – 105.57 Crore

Yeh Jawaani Hai Deewani – 177.99 Crore

Besharan  – 56.82 Crore

Bombay Velvet – 22.80 Crore

Tamasha – 68.55 Crore

Ae Dil Hai Mushkil – 106.48 Crore

Jagga Jasoos – 53.75 Crore

TOTAL – 591.96 Crore (7-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 84.57 crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

2. Varun Dhawan

Student Of The Year – 62.94 Crore

Main Tera Hero – 53.17 Crore

Humpty Sharma Ki Dulhania – 72.80 Crore

Badlapur – 49.80 Crore

ABCD 2 – 103.58 Crore

Dilwale – 139.97 Crore

Dishoom – 68.10 Crore

Badrinath Ki Dulhania – 114.11 Crore

TOTAL – 664.50 Crore (8-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 83.06 crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

3. Ranveer Singh 

Lootera – 27.86 Crore

Goliyon Ki Raasleela Ram Leela – 112.97 Crore

Gunday – 73.28 Crore

Kill Dill – 29.99 Crore

Dil Dhadakne Do – 75.05 Crore

Bajirao Mastani – 183.75 Crore

Befikre – 60.26 Crore

TOTAL – 563.16 Crore (7-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 80.45 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

WARAR DHEERAAD AH:

 

4. Sidharth Malhotra

Student Of The Year – 62.94 Crore

Hasee Toh Phasee – 36.56 Crore

Ek Villain – 97.51 Crore

Brothers – 70.65 Crore

Kapoor & Sons – 69.37 Crore

Baar Baar Dekho – 30.62 Crore

TOTAL – 367.65 Crore (6-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 61.27 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

5. Arjun Kapoor

Ishaqzaade – 46.38 Crore

Aurangzeb – 22.74 Crore

Gunday – 73.28 Crore

2 States – 101.86 Crore

Tevar – 35.55 Crore

Ki  & Ka – 51.68 Crore

Half Girlfriend – 52.29 Crore

Mubarakan – 50 Crore (sida la rajeenayo)

TOTAL – 433.78 (8-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 54.22 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

6. Sushant Rajput

Kai Po Che – 43.58 Crore

Shudh Desi Romnce – 46.26 Crore

Detective Byomkesh – 26.21 Crore

M.S. Dhoni: The Untold Story – 119.09 Crore

Raabta – 21.68 Crore

TOTAL – 256.82 Crore (5-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 51.36 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

7. Tiger Shroff

Heropanti – 50.51 Crore

Baaghi – 76.06 Crore

A Flying Jatt – 30.76 Crore

Munna Micheal – 34 Crore

TOTAL –  191.23 Crore (4-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 47.81 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

 

8. Shahid Kapoor 

Teri Meri Kahaani – 27.48 Crore

Phata Poster Nikla Hero – 38.42 Crore

R… Rajkumar – 65.99 Crore

Haider – 49.19 Crore

Shaandaar – 39.48 Crore

Udta Punjab – 58.14 Crore

Rangoon – 20.87 Crore

TOTAL –  299.57 Crore (7-filim ayuu sameeyay 5-tii sano ee ugu dambeesay)

Average – 42.80 Crore (cel celis ahan 5-ta sano ee ugu dambeesay filimada uu sameeyay lacagaha ay soo xareeyeen)

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. nahwe says:

    Waxa ba waxa ka awood baden
    Pramhas…

  2. aftah.dangal says:

    Subxaanalah. Kudikood lacagahooda marki la isku dar daro. Dangal kaliya ayaaa. Ba ka badan kkkk

  3. varun dhawan says:

    varun dhawan ayaa Kule wxn kale waa ciyaal

  4. alfanaan #BZK says:

    Filimside rambir kapoor waxad ka tagten filimkisi roy o so baxay 2015 idinka o ugu daray varun dawan filimka dilwale sababta i sheega ranbir filimka atore ayu ka ahaa halka u varun dawana atore cawiye u ka ahaa ranbor kapoor aya ka mudan in lo qoro filkisa




Featured Video