Rasmi: Aragtida Kowaad Filimka Padman Iyo Xiliga La Daawan Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar wuxuu haatan noqday qabiir ku taqasusay sida filim walbo waji cusub loogu sameeyo iyo doorashada fariin loo baahan yahay in bulshada la ogeysiiyo.

Sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad filimka Padman oo ay Akshay Kumar ku wehliyaan Sonam Kapoor iyo Radhika Apte waana filim fariin xaqiiqo ah xambaarsan.

Sidoo kale waxaa kaartada lago soo xardhay filimka Padman xiliga la daawan doono oo ah 13 April 2018 waana filim uu Director ka yahay R Balki.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Padman waxaa soo saare ka ah Twinkle Khanna oo ah Akshay Kumar xaaskiisa iyadana ayaa si rasmi ah barteeda Twitter-ka shaaca kaga qaaday filimkaan aragtidiisa kowaad iyo xiliga la daawan doono.

Filimka Padman wuxuu ku saleesan yahay nolosha Arunachalam Muruganantham oo ah nin ganacsade ah sidoo kalena reer Miya ahaa waagiisii hore kana dan qaday dhibaatada ay dumarka miyaga Koonfur Hindiya qabeen xiliga caadada ayagoo weyn jireen xirashada agab nadiif ah.

Arunachalam Muruganantham dhibka kowaad wuxuu ka saaray xaaskiisa kadibna dhamaan haweenka miyada Koonfur Hindiya asigoo sameeyay shirkad sameyso agabka ay haweenka xirtaan xiliga caadada oo nadiif ah sidoo kalena caafimaadkooda hormariyay.

Arunachalam Muruganantham haatan waa ganacsade weyn oo ay dowlada bilad sharaf heer sare ah siisay sidoo kalena ganacsigiisa ku baahan meel walbo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video