Super Star Dilip Kumar Xaaladiisa Wey Wanaagsan Tahay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Dilip Kumar maalintii shalay ahayd waxaa la dhigay isbitaal kadib si deg deg ah kadib markii xaaladiisa caafimaad laga deyriyay.

Balse haatan waxaa la sheegay in halyaagan xaaladiisa wanaagsan tahay sidoo kalena soo kabanaayo lagana saaray halistii uu ku jiray 24-saac ka hor.

WARAR DHEERAAD AH:

Qoraal rasmi ah oo xaalada Dilip Kumar laga soo saaray sidaan ayuu u qornaa “Dilip Kumar xaalad dagan ayuu ku jiraa, kaliya labada maalmood ee soo socoto ayuu ku jiri doonaa si xaaladiisa loogu kuur galo laakiin haatan wax halis ah kuma sugno caafimaad ahaan”

Dilip Kumar waxaa marwalbo garab taagan oo haatana isbitaalka ku wehlineyso xaaskiisa Saira Banu waxaana Super Star-kaan filim jilista ugu dambeesay 19-sano ka hor asigoo markaas kasoo muuqday filimkii Qila.

Dilip Kumar waa 94 halka xaaskiisa Saira Banu ay jirto 72-sano waxayna sanadkii hore u dabaal dageen 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay aqal galeen wax caruur ahna iskuma dhalin lamaanahan caanka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video