1993-2017: Super Star Mithun Chakraborty Inta Filim Ee Uu Sameeyay Natiijada Ay Gaareyn Wax Ka Ogow (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

 

Super Star Mithun Chakraborty waa mid kamid ah halyeeyda Bollywoodka maqaamka sare ka jooga fanka India sido kale xidigaan wuxuu kujiraa liiska jilayaasha ugu badan ee tiro badan aflaamta kasameyay.

wuxuu kasoo shaqeyay shirkado kala duwan oo ay ugu horeyso Bollywoodka, wuxuu kaloo sameyay aflaam Bangaldesh ah, sido kale aflaam koonfur India ah na wuu sameyay sida Tamil Iyo Telugu.

Rukcadaagan aflaamtisa aad ayee ufara badan yihiin waxayna gaarayan kudhowaad 400 Filim guud ahaan marka la isku daro Bangla, Bollywood, Tamil iyo Telugu ba.

hadaba aqristayaal qaar ah ayaa inaga codsadeyn inaan usoo gudbino natiijada aflaamta xidigaan iyo kuwooda guulaha sarsare gaareyn waxaana halkaan idinkugu soo gudbineynaa natiijada xidigaan uu aflaam sameyay kuwooda Bollywoodka laga soo bilaawo 1993 ilaa iyo waqti xaadirkaan lajoogo.

1993 wixii kahoreyay natiijadooda wali si sax looma daawacin oo shabakada Box-officeka India wlai wey ku howl jirtaa sidaa awged 1993 wixii kadambeyay ayaan idiin soo gudbinena.

guud ahaan Mithun wuxuu sameyay 180 Filim laga soo bilaawo 1993-2017, balse kuwooda Bollywoodka ah waxa waaye  42 kamid ah waa Bengali Movies, 2 Kamid ahna waa Telugu midna waa Tamil sidaa awged laga soo bilaawo 1993-2017 aflaamta Bollywoodka ah ee uu Super Starkan sameyay waa 133 Filim.

Mithun waa atoore caan ah aflaamtisa waxaa ugu caansan ama ugu waaweyn sida Disco Dancer oo kamid ahaa Blockbusterska ugu waaweyna ee 80kii la daawaday.

hase ahaate xidigaan aflaamtisa waxay u badanyihiin kuwa guulo daro daran ku habsadaan oo aflaamtisa sedex meelood laba meel waa kuwa guul dareysteen oo waliba aad u burbureyn.

1993-2017 aflaamta uu Mithun hogaamiyaha ka yahay kaliya hal filim bas ayaa darajada Hit dhamestiran noqday sida aan kasoo xiganaya Box-officeka India.

Mithun iyo Aflaamtisa Kuwa Guulaha wacan Gaareyn

 

1995: Ravan Raaj: A True Story (Hit)

 

 

1995: Jallaad:(Semi Hit)

 

 

1994: Cheetah: (Semi Hit)

 

 

1997: Shapath: (Semi Hit)

 

 

WARAR DHEERAAD AH:

1998: Chandaal: (Semi Hit)

 

 

1996: Muqadar: (Average)

 

 

1998:Sher-E-Hindustani: (Average)

 

 

intaa markii laga yimaado waxaa jiraan aflaam kale ee uu kasoo muuqday xidigaan balse uusan asiga hogaamiye ka aheyn sida Golmaal 3 oo Ajey Devgan hogaamiye ka ahaa wuxuuna noqday filimkaas Blockbuster, Kick oo uu Salman khan hogaamiyaha ka ahaana wuxuu noqday Blockbuster sido kale wuxuu kasoo muuqday Guru oo uu Abhishek Bachchan hogaamiye ka ahaa wuxuuna noqday filimkaas Hit.

aflaam kale ee uu lasamyey Super Star Akshay Kumar kuwaaso kala ah Houseful 2 iyo OMG: Oh My God ayagana waxay noqdeyn Super Hit, muuqaal marti ah ayuu kuyeshtay Filimka Blockbusterka weyn noqday ee Om Shanti Om.

sido kale filimkii uu Akshay Kumar uu kala soo muuqday ee Khiladi 786 asna wuxuu noqday Average iskusoo wada dar aflaamta u guuleystay xidigaan ee aan kor kusoo xusnay laga soo bilaawo 1993-2017 waa 14 Filim.

14 kaas Filim ee uu kasoo muuqday 7 kamid ah asiga aya hogaamiye ka ahaa sidaan kor kuxusnayba halka 7 da kalena uu muuqaalo marti ah iyo doorar caawiye ka cayaarayey.

hadaba anagoo kala qaad qaadeyna 14 Filim ee guulesteyn

Blockbusters: 3 (Golmaal 3, Kick iyo Om Shanti Om oo hal muuqaal bas ah)

Super Hits: 2 ( Houseful 2 iyo OMG: Oh My God)

Hits: 2 (Ravan Raaj Iyo Guru oo uu Abhishek Bachchan hogaaminaayo)

Semi Hits: 4 (Jallaad, Shapath, Chandaal iyo Cheetah)

Average:3 ( Muqadar, Sher-E-Hindustani iyo Khiladi 786 oo uu Akshay kumar Hogaaminayo)

Super Star Mithun Chakraborty lagas oo bilaawo 1993-2017 waxaaa ka qasaareyn oo darajada Flop ka noqdeyn aflaam badan  kuwaaso tiradooda ah 61 Filim waxaana kamid ah Hatyara, Shera iyo kuwa badan oo caan soomaliya ka ah.

Aflaamta Disaster ka noqdeyn ama ka burbureyn oo dhulka galeyn waxay tiradooda gaareysaa 51 Filim kuwaaso aflaam caan ah oo ay Mithun Soomalida ad oga jecelyihiin kujiraan marka Super Starkaan aflaamtisa inta badan waa kuwa guul dareysteen.

 

NB: Sedex filim ayaa jiraan kuwaaso kamid ah aflaamtii uu sameyay Mithun sanadkii 1993 balse aanan wali la saxin sedexdaas filim waxay kala yihiin Aadmi, Dalaal iyo Jeevan Ki Shatranj goordhow ayeena Box-officeka soo daabici doonan.

guud ahaan aflaamtaas marka la isku soo wada dardaro ee aan kala saarsaarnay waa 180 filim ee uu sameyay 1993-2017 xataa marka lagu daro sedexda filim ee an wali lasaxin.

 

Dhamaad………

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Hal su’aal iga jawaaba idinka oo mahadsan, ninkan sidaa aflaamtiisu u guuldaraysteen waa maxay sababta uu haddana caan u sii yahay ee intaa oo film loo siiyey. ileen actor dhowr film ka guuldaraysteen sallaanka waa uu ka dhacaaye. Waa maxayse sababta uu wali baaqiga ugu sii yahay bollywoodka?

  2. Abdikafi ahmed says:

    ben bode halyeey aan gulabadneen wan kaxu mahay guldarooyinkaga ravan raaj &chandaal&shapath film wanagsan kwas igadheh

  3. Ahmed Sheikh says:

    Ali Aadan
    Sxb sare waa ku salaamay dalabkaygi waa aqbasheen dhamantin mahadsanadin ninkan anaa dalbaday in warkisa laso gudbiyo waana helay dalabkaygi mahad sanid kaliya waxan doonaya in aan ogaado Somalida kuwa ay u yaqaanin 3 mithum iyo mithum 3 da gabdhod iyo mid uu dambi baare kayhay oo ay hogaminaym balwan iyo amadi iyo 2 kale magacyadoda aan hayn oo lacagta badan dhacayan waxan raba in aan ogado amadi iyo balwan iyo kan dhimanayo ma ahe kan kale magacisa in aan ogaado iyo aaliba kan dhimanaya xata in aan ogado magacyadoda filimkas waa haysta aso af somali ah waa i cajabiyay balse darajadisa ma ogi hada ila fahantid filimkan ninka shegayo magaci sxb Aadan mahdsanid waa sugaya jawabta insha allah

  4. funny says:

    Anba waa taa midaan la yapey. Malin kasto film miyu keni jiray mise lapo waa yape. Directorada iskaga dhibaya se mxyihin ma kuwo ka daran baa. Hhhhhh.

  5. Charlina says:

    wax suurto gal ah la imaaw nin intaas oo film ka guul daraysatay baa hadana wali taagan

  6. axman yare says:

    sxb ninkan 80madkii buu soon canbxay filiman gulystyna keny tasa keenty inuuu 90madkii filimanta loo dhibo was mhdsanthin




Featured Video