Aishwarya Rai Bachchan Iyo Karishma Kapoor Oo Isku Inkiray Xaflad Abaal Marin Lagu Bixinaayey!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Xaflada Vogue Beauty Award 2017 ayaa sanadkaan sido kale la qabtay ayadoo caado aheyd in sanad walbo la qabto ayadoo halkaas lagu abaal marinaayey  xidigaha ugu quruxda badan e dharka Styleka soo xirta.

Hadaba xafladan waxaa goob joog ahaayen reer Bachchan oo isugu jiraan Amtabh Bachchan, Jaya Bachchan,Shweta Nanda,Navya Naveli Nanda iyo waliba Aishwarya Rai Bachchan.

Hadaba Aishwarya ayaa halkaas lagu gudoonsiiyay abaal marinta haweeyneyda ugu quruxda badneyd 10 kii sano ee lasoo dhaafay.

WARAR DHEERAAD AH:

Dhanka kale waxaa goobta kusugnaa Karishma Kapoor taaso ayadana kasoo qeyb gashay xaflada, Aish ayaa soo xiratay dhar soo jiidasho leh balse xidigahan mudo iskugu dambesay wey isku inkireyn xaflada.

Taasi qofna lama yaabayo waayo labadan atariisho nolosha dhabta ah ayeeba hal nin isku qabsaden kaaso ah Abhishek Bachchan.

Abhishek Bachchan wuxuu xiriir jaceyl lalahaa Karishma Kapoor balse caqabada badan darted nolosha wey ku midoowi waayen waxaana dhacday in markii dambe Abhishek uu uu guursaday Aishwarya.

Taasi ayaa ugu wacan ayaa ladhihi karaa xidigahan manta goobaha caanka ah isku inkiraayo, dhanka kale Aishwarya filimkeedi udambeyay wuxuu ahaa Ae Dil Hai Mushkil waxaa la hadal hayaa inee ayada iyo ninkeeda Abhishek filim wada sameyn doonan.

Balse Abhi ayaa arinkaas wax kama jiraan kutilmaamay shegayna in kaliya ay ka heleen sheekada filimkaas balse marnaba aysan goosanin in ay sameyaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video