Akshay Kumar Filimkiisa Toilet Ek Prem Katha Oo Canshuurta Laga Dhaafay Gobolka Uttar Pradesh

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha ayaa canshuurta laga dhaafay gobolka weyn Uttar Pradesh (UP) ee ku yaalo waqooyiga Hindiya ka hor inta aan filimkaan tiyaatarada la saarin.

Sidoo kalena waxaa la rajeynaa maal maha nagu soo fool leh in filimkaan canshuurta laga dhaafi doono gobolo badan si shacab badan oo dabqada dhexe iyo hoose filimkaan u daawadaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Akshay Kumar haatan wuxuu ku sugan yahay Lucknow si uu filimkiisa xayeysiin ugu sameeyo waxaana tiyaatarada la saari doonoaa Jimcada dambe (11 August 2017).

Akshay iyo Bhumi maanta oo Jimco ah waxay Lucknow kulan kula qaateen wasiir Yogi Adityanath ayagoo kala qayb qaateen hawlaha nadaafada deegaanka waxayna Lucknow hoos imaadaa gobolka weyn ee UP.

TEPK waa filimka ugu hadal heynta badan filimada la sugaayo madaama goos gooskiisa siweyn loola dhacay waana filim fariin waaqici ah ka hadlaayo asigoo dadka ku boorinaayo in qof walbo oo Hindi ah helo musqul nadiif ah si wasaqda deegaanada looga yareeyo.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Ayaan muuse says:

    Guuul akshay

  2. Yaxya Hindustani says:

    Sxb zakiriye big fan ayaan u ahay filmsid hawshaad wadaan lkn hal dhib ayaa jiro qoralkina coapy lama dhihi karo taleefano badan ayaan kutijaba yay fadlan ciladaas naga xaliye thanks filmside time




Featured Video