Filimka Jab Harry Met Sejal Oo UAE Ka Dhigay Iskoor Taariikhi Ah!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal ayaa xalay laga daawaday gudaha UAE waxaana laga daawaday tiyaataro kooban balse maanta ayaa si guud loo daawan doonaa.

Wararka hordhaca waxay sheegayaan in Jab Harry Met Sejal 80% ku furmay xalay sidoo kalena hal saac gudaheeda tiyaataro kooban wuxuu kaga keenay $135,000!

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaa la sheegay in xalay dadka badanaa waayeen tikit ay ku daawadaan SRK filimkiisa inta badana ay iska soo laabteen ayagoo niyad jabsan.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in hal tiyaatar oo Dubai ku yaalo in filimka Jab Harry Met Sejal ka keenay 12 Lakh lacgtaas xitaa filimada qaar marka gudaha Hindiya la saaro inay keenaan ayay dhib ku qabaan hal gobol laakiin SRK filimkiisa hal tiyaatar ayuu lacagtaas kasoo xareeyay!

SRK waa safiir Hindiya caalamka u qaabilsan waxaana looga soo dhaweeyaaa filimadiisa si waali ah suuqyada caalamka sida uu filimkaan ku bilaawday xalay gelinka dambe waxay ka dhigan tahay inuu lacago iskoor taariikhi ah ka keeni doono gudaha UAE iyo hareeraha Khaleej-ka.

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Fan srk says:

    Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in hal tiyaatar oo Dubai ku yaalo in filimka Jab Harry Met Sejal ka keenay 12 Lakhlacgtaas xitaa filimada qaar marka gudaha Hindiya la saaro inay keenaan ayay dhib ku qabaan Walaahi Waa Cajiib Super Hit

  2. Farhan khan says:

    Sida caadada ah SRK waa shaqsi guusha la mataana ah marka hadii filimku yahay mid sheeko wanaagsan saan horay u sheegay ugu yaraan waa Super Hit,
    Zakariya adigo raaliya naga dabageey sida uu gudaha hindiya kaga furmay iyo warbixinadiisa kale aad hesho

  3. Abu king khan says:

    shekadiisa maxaa inoga sogudbin Weyden iyo sida u kufurmay koley wan idinka sugeynaa warbixinada film-ka jhms

  4. Srk Fan says:

    Guul Srk & anushka




Featured Video