Madadaalada Maanta: Sheeko Qosol Leh Xikmadii Juxaa Kabogosha Wacan (Funny Time)!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

WARAR DHEERAAD AH:

Beri baa waxa la yiri Juxaa wuxuu ahaa qaadiga maxkamada magaaladiisa oo dadka kala saara markay is qabtaan.
Dadka dhan waa u yaqiineen in Juxaa yahay odayga dadka kala saara oo qadarin weyn bay u hayeen kalsooni weyna waa ku qabeen maadaama uu ahaa nin xikmad badan leh.

Maalin maalmaha ka mida baa waxa dhacday in seddex naagood oo ka mida kuwii ku noolaa meesha Juxaa ka ahaa qaadiga is qabteen, dumar iyo murankooda weeyee, mar keliya baa la xalin waayey khilaafkooda walow aysan wax badan ba isku hayn lakin qaylada iyo is afgaran waaga baa bata.
Dadkii ay la noolaayeen baa waxay dhaheen anagu idinma kala saari karnee qaadiga maxkamada baa laydiin geynayaa haydin kala saaree, qaadiguna waa oday Juxaa.
Subixii baa loo keenay Juxaa si u ukala saaro seddexdan naagood ee is haya khilaafkoodana dhamaan waayey,
Juxaa wuxuu yiri haye maxaa idinku dhacay oo khilaafku yahay, hade waa dumare, midba mida kale bay ku qaylisaa oo dhahdaa waa saas iyo saas, ilaa buuq hor leh meeshii ka dhashay oo is fahan waagi sii batay iyadoo naag walba is leedahay yeysan naagta kale kaa hadal badan.
Juxaa markuu arkay xaaladu halkay marayso wuxu yiri i maqla horta aniga, kuligood waa aamuuseen isagayna soo eegeen si bal wax u sheego, markaas buu yiri Juxaa,”Sedexdiinaa Naagood ani garan maayo naagta idiinku weyn oo aan ku qadariyo da’deeda si ay u hadasho marka ugu horaysa, ee bal naagta idiinkuweyn oo idiinku duqsan ha hadasho oo dooda ha furto.”
Naag iyo Da’ maxaa kala haysta, hade wax jawaaba ama kalmad dhaha waa la waayey naagna ma rabto in la dhaho iyada weyn oo qumanyo ah, naag walba afkeeday qabsatay..
Xaafadiina waxay ku soo laabteen iyagoo aamusan , naag walba waxay ka baqaysaa haday hadasho in la dhaho iyadaa ugu fac weyn….

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video