Ranveer Singh Gabar Uu Jeclaa Aditya Ayaa Ka Xoogay Iyo Mar Arjun Kapoor Ka Badalay Kastuumadii Raqiiska Ahayd!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranveer Singh waa atoore aan waxba ka qarinin sidoo kalena lagu tilmaamo xidig tamar ama energy badan haayo dhanka shaqada iyo sidoo kale dhanka kaftanka.

Hadaba Ranveer Singh ayaa ka qayb galay qaybtii labaad barnaamija dhageysiga No Filter Neha Season 2 oo ay xariirire ka yahay atirishada Neha Dhupia.

Ranveer horey barnaamijkan wuxuu ku sheegay in Deepika Padukone ay tahay atirishada ugu shumiska macaan Bollywood-ka.

Haatana wuxuu daaha ka rogay labo sir oo isaga u gaar ah taasi oo haatan siweyn loo hadal haayo:

Aditya Roy Kapoor Markii Uu Ranveer Ka Dul Qaaday Gabbar Uu Jeclaa:

Ranveer ayaa Neha Dhupia u sheegay markii uu dhalinta yaraa inuu ahaa wiil aan xarakoonin gabdhaha aan soo jiidan karin halka Aditya Roy Kapur oo ay saaxiibo ahaayeen shidnaan jiray dhanka labiska iyo xarakada.

Ranveer wuxuu sheegay markii 17-sano ama 18-sano uu jiray gabbar saaxiib la ahaa ama jaceyl ka dhaxeeyay ka raacday Aditya Roy Kapur uu xiligaas kuleej-ka ama iskuulka heestay gabdhahana isku dili jireen!

WARAR DHEERAAD AH:

Ranveer ayaa sheegay in 4-sano ilaa 5-sano uu gabadhaas ku waalnaa jaceylkeeda laakiin markii dambe wado cad kaga tagtay kana raacday Aditya!

Arjun Kapoor Markii Uu Kastuumada (Underwear) Ka Badaly Ranveer:

Ranveer ayaa sheegay marka uu xitaa jilaa caan ah noqday in labis raqiis ah uu xiran jiray sidoo kalena jacleyn inuu ku mashquulo dhanka Style-ka iska saxo.

Ranveer ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiisa Arjun Kapoor hada ka hor magaalada Dubai socdaal ku tageen sidoo kalena markii ugu horeesay dukaank Shoping laga sameesto.

Ranveer ayaa sheegay in dukaanka isaga iyo Arjun Kapoor ka iibsadeen jiinisyo qurux badan kadibna ay galeen qolka dharka la isku cabiro.

Arjun Kapoor ayaa arkay kastuumada uu watay Ranveer wuxuuna yiri “Midaan miyaad hoos gashi u wadataa!”

“Waa mida ugu raqiisan ee dadka iibsadaan sidoo kalena tayo ahaan horey ayay ka dhamaaneeysaa sidoo kalena jirkaaga hada ayuuba muuqdaa”

Ranveer wuxuu sheegay inuu isku xishooday kadibna uu dukaaankii ka iibsaday hoos gashi tayo wanaagsan oo qaali ah ilaa hadana uu marwalbo soo xasuusto taladii u Arjun Kapoor siiyay.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Suleeqa ahmrd says:

    Waxaa hada ka hor meel ka aqriyay inay gabadhaas ahayd ahana deol oo ah dhermender iyo hema maline gabadhooda esha deol walasheed isku school ay ahaan jireen




Featured Video