Sawirro: Atariishada Shraddha Kapoor Iyo Walaalkeeda Siddhanth Kapoor Oo Airport Ga Kusugan!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Shraddha Kapoor Iyo Walaalkeda Siddhanth Kapoor ayaa ku guda jiraan ama ku mashquulsanba xayeysiin usameynta filimkooda Haseena Parkar.

ayagoo booqanaya showyada kala duwan ee TV yada ka baxaaan iyo goobaha kale ee ugu waaweyn magaalada, hadaba xidigahan sawiro ayaa laga soo qabtay xili ay kusugnaayen Airport ga Mumbai ayagoo dhoola cadeyn ka muuqato waliba.

hadii aan ka hadalno filimka Haseena Parkar waxaa Director ka ah Apoorva Lakhia halka uu baal galiye ka yahay Nahid Khan hogaamiyasha filimkana wa Shraddha Kapoor, Siddhanth Kapoor, Ankur Bhatia.

filimkaan ayaa dib udhac ku yimaada marwalba, waxaa lashegay in la daawan doono 18 Aug balse dib ayaa loodhigay ayadoo lagala baqay in isku dhac yimaado waayo 18 Aug aflaam kale ayaa tiyaarada la saari doona.

balse ma ahan markii ugu horeysay ee dib loo dhigo filimkaan waayo hada kahor waxaa la qorsheyay in la daawado 14 July balse dib ayaa loodhigay ayadoo lagala baqay iskudhac inuu dhaco oo 14 July waxaa tiyaatarada sido kale la saara filimka Jagga Jasoos.

markale ayaa hadana la qorsheyay in 28 July la daawado hadana dib ayaa loodhigay maadama Mubarakan 28 tiyaatarada la saaray waana arin caqabad ah oo filimkaan heesata in marwalba dib loodhigo.

Fadlan hoos kaga bogo sawirada laga qabtay Shraddha iyo walaalkeeda ayagoo kusugan Airport ga Mumbai.

WARAR DHEERAAD AH:

 

 

 

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video