Sheekada Filimka Jab Harry Met Sejal: SRK Iyo Anushka Filimkaan Wey U Hagar Baxeen Laakiin Imtiaz Ayaa Garabkooda Ka Baxay!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay sheekada filimka weyn Jab Harry Met Sejal oo ay hogaamiyaal ka yihiin SRK iyo Anushka Sharma waana filim siweyn loo wada sugaayay.

Hordhac: Sida caadiga ah qofka shaqadiisa tahay inuu dadka dalxiisayaasha ah goobo kala duwan geeyo shaqadiisa waaya aragnimo ayuu ka dhaxlaa laakiin markii dambe hawlihiisa wuu ku caajisaa madaama uu hal goob xili walbo ku laab laabanay.

Sidoo kalena qofkaas dulqaadka ayaa ka lumi karo madaama uu la fal galaayo dad kala duwan oo aan isku dabeecad ahayn!

Balse mararka qaar wey dhici kartaa dadka dalxiisayaasha ah in laga dhex halo qof badali karo nolosha qofka u adeego ee goobaha kala duwan tuso.

Jilaayaasha: Shah Rukh Khan, Anushka Sharma

Director: Imtiaz Ali

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay JHMS: SRK inuu door walbo sameyn karo, Anushka Sharma oo iyadana ka liidanin bandhig ahaan iyo qurux deeda dheeraadka ah iyo labo hees oo kusoo jiidanayaan.

Muxuu Ku Liitaa JHMS: Sheekadiisa oo deg deg ka muuqato qaybta labaad iyo asigoo ku dhamaanayo si la wada fahmi karo dhaliisha waxaa iska leh Director Imtiaz.

Daawo Ama Ha Daawanin: JHMS waa filim jaceyl oo loo daawan karo bandhiga SRK iyo Anushka goobaha quruxda badan ee lagu duubay laakiin hadii aad tahay qof doonayo fariin jaceyl oo qiiro badan wuu ku niyad jebin doonaa filimkaan.

Fariinta Filimka JHMS Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay: Harry (Shah Rukh Khan) waa qof ay shaqadiisa tahay inuu dalxiisayaasha kala duwan qaarada Yurub kusoo wareejiyo, laakiin wuu yara xanaaq badan yahay sidoo kalena wey ku adag tahay inuu sameesto xiriir nolol oo waari karo.

Sejal (Anushka Sharma) waa gabar dalxiis u timid Yurub waxaana safarkeeda dalxiiska hagaayo Harry sidoo kalena qoyskeeda oo dhan ayaa socdaalkaan ku wehliyaan.

Inta socdaalka dalxiiska lagu jiro Sejal (Anushka Sharma) waxaa faraanti u galinaayo Rupen (Kavi Shastri) oo ay ku balamayaan inay is guursadaan marka Mumbai lagu laabto.

Nasiib daro Sejal waxaa ka lumaayo faraantigeeda aqal galka si hormaris ah loogu galiyay waxayna diidee inay Mumbai dib ugu laabato ilaa ay ka heleyso faraantiga ka lumay.

Sejal waxay caawinaad weydiisanee Harry si uu ula baadi goobo faraantiga ku qaaliga ah kadibna waxay wada galayaan socdaal dheer.

WARAR DHEERAAD AH:

Sejal iyo Harry is fahan weyn ayaa dhex maraayo madaama qof walbo qofka kale ogaanayo dabcigiisa dhabta ah iy noloshiis waxa ay dooneyso.

Hadaba socdaalkaan inta ay ku wada jiraan Harry iyo Sejal wey iskuu soo dhawaanayaan, qaybaha dambena filimkaan waxaa loo daawan doonaa Harry iyo Sejal xiriirka dhex yaalo halka uu gaari karo iyo Sejal nolosheedii hore waxa ay ka yeeli doonto.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka JHMS Isku Xir Ahaan:

Director Imtiaz Ali markaan fariintiisa mid sahlan ayuu ka dhigay asigoo awal sameyn jiray aflaan fariin ahaan adag in la fahmo.

Laakiin Imtiaz markaan wuxuu xooga saaray qaybaha hore filimaan inuu xasiliyo inkastoo qaybaha dambe iyo dhamaadka filimkaan aad u liitaan.

Imtiaz wuxuu doortay sheeko dafiic ah oo aan qiiro laheyn sidoo kalena diirada la saaray kaliya tayeynta bandhiga jilaayaasha iyo goobaha quruxda badan ee filimkan lagu duubay.

Si kooban waxaa loo dhihi karaa Imtiaz fursad qaali ah ayuu beer dareeyay madaama uu filimkiisa hogaamiye kaga dhigay Super Star weyn sida SRK oo kale waxay ahayd inuu la imaado fariin dadka oo dhan wada qancin karto.

Bandhiga Jilaayaasha Filimka JHMS: SRK markale wuxu muujiyay inuu yahay aabaha jaceylka sidoo kalena Super Star-kaan uu door walbo u cadaalad fali karo.

JHMS wuxuu ka mid noqday aflaanta SRK bandhiga ugu quruxda badan ka muujiyay waa hubaal in taageerayaasha siweyn kaga heli doonaan dadaalka adag ee uu Super Star-kaan la yimid.

Anushka Sharma maba ku niyad jebineyso marwalbo oo ay shaashada kasoo muuqato waxay taqaan sida filimka door nuxur leh loogu yeesho.

Xidigtaan SRK ayay shaashada si wacan ula qeebsatay waxaana lagu tilmaami karaa inay safka hore ka gashay atirishooyinka filimada jaceylka SRK la sameeyeen kuwooda ugu bandhiga wacan.

Gunaanad: JHMS waa filim qaybihiisa qaar wanaagsan yihiin, bandhiga jilaayaasha aad u sareeyo midaas oo ka caawin karto sedexda maalmood ee ugu horeyso inuu ganacsi fiican sameeyo.

Laakiin sheekadiisa oo aad u liidato awgeed JHMS sedexda maalmood ee ugu horeyso kadib waxaa ku adkaan doonto inuu ganacsi adag sameeyo madaama sheekadiisa qof walbo ku qanci karin.

Dadka filimada ka faaloodaan cel celis ahaan filimka JHMS sheekadiisa waxay ku qiimeeyen 2/5 wuxuuna ku helay qiimeyntaan bandhiga jilaayaasha oo aad u sareeyo iyo halkii saac oo hore oo yara wanaagsan isku xir ahaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka JHMS:

Fikradaha Akhristayaasha (14)

  1. Moha says:

    waa qasaare ninkani wuu ku daayay imika
    maalin kasta niyadjab kale ayaa laga qaadayaa filimadiisa shtttttttttt

  2. Moha says:

    srk qasaare wlhi

  3. m.guursade says:

    THIS IS FLOP…hhhhhhhhh

  4. akram says:

    Sakariye waxaan arkay in lasiiyey 3/5 marka maxaa khaldan

    • Zakarie Abdi says:

      Waa sax xita kuwo ayaa siiyeen 3.5 balse waxaa la xisaabiyaa Average Rating ama cel celis ahaan marka laga sameeyo qiimeyn walbo oo la isku geeyy oo hal udub dhexaad ah la qaatay micnaha Average-ka ama cel celiska dhexe in la qaato.

  5. faniska srk says:

    srk waynu arki muhimadu waa ino boxx office gilgilaaa way dhci

  6. Ismail Aamir says:

    SRK Naziib Wacan
    Director ka Ayaa
    LA Dagay
    King Khans

  7. Akshay kumar says:

    aad baan ugu farxay waax neh urajenayaa filinkaan flop waxaan kaliya guul urabaa akshay kumar sidaxda khans weey na dhibeen guuul akki iyo filinkiisa toilet ek prem katha

  8. nuuruu akki says:

    flop! filimkan flop waye

  9. akram says:

    Shahrukhan cid jiliin ku gaarta Bollywood majirto balse waxaa ladagay directors ka oo sheeko.xumo.u keena balse usagu jiliinkiisa ayaa badbaadiya filmkaan sheekadiisa wa zero balse ugu yaraan 120Crore buu keenay waana usaga kwrn haduu hal mar helo sheeko fiican maxaaa dici lahaaa????

  10. nahwe says:

    Waad
    Mahsan tahy
    Marka hore zhpo
    SAkariye…
    Een guul banu
    U rajenynayna
    SRK
    Lkn waxaan
    SUgneynaa
    Zhpo
    Sharaxaad
    Nooga sii bixi flimka
    Ek prem toilet…..
    Zhpo thanks..
    INabed……flimside…….

  11. Moha a.k says:

    Srk wa jila jclka logu dhawan Karin jilinkisa wa cajiib

  12. Abu king khan says:

    ma aqaan sababah inoo daba dhigteyn shekoyinka liito wayahaan Danbe lkn wa king of Bollywood awodiisa ayaa qasarada ka badbadin donto insha allah guul King khan

  13. praphase says:

    inalilaah sheeko xumo waa tagaan dismoraly wlhi




Featured Video