15-Lamaane Is Guursaday Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaaso Si Wadajir Ah Filmfare Ugu Guuleystay (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Inta Badan  shirkada  Bollywood-ka  waxaa ka dhasho  xiriiro  badan kuwaas oo dhax maro  qaar ka mid ah jilaayaasha  bollywood-ka Tirsan xitaa go’aan ku gaara in ay hal guri ku nooladaan.

Sidoo kale  xiriirada  Bollywood-ka  laga  sameeyo  waxaa  jiro  qaar isku fahmo oo ka miro dhaliyo xiriirka ka dhaxeeyo  kuwaaso ugu  danbeyn is  guursada.

Haddaba waxaa idin heynaa maqaal xiiso leh oo u gaar ah 15-Lamaane Is Guursaday Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaaso Si Wadajir Ah Filmfare Ugu Guuleystay.

Fadlan hoos kaga bogo.

1. Aishwarya Rai Iyo Abhishek Bachchan  

Abhishek Bachchan  wuxuu  abaal marinta  Filmfare ku  guuleystay 3-jeer oo ah  atoore  caawiye ugu wanaagsan halka  xaaskiisa  Aishwarya Rai Bachchan ku  guuleysatay  2-mar oo ah Best Actress.

2. Vishal Bhardwaj Iyo Rekha Bhardwaj  

Filim  sameeye  Vishal Bhardwaj  inta uu  noqan  director  wuxuu 1-jeer  ku  guuleystay laxamiistaha ugu fiican sidoo kale  xaaskiisa Rekha  2 jeer ayay ku  guuleysatay  fanaanada ugu wanaagsan.

3. Kajol Iyo Ajay Devgn

Ajay Devgn  wuxuu  ku  guuleystay  4-jeer abaal  marinta  Filmfare  Awards  labo ka mid ah  wuxuu ku qaatay Best Actor critics choice  ilaa  hadana  kuma  guuleysan  atooraha ugu  wanaagsan ee  Bollywood-ka.

WARAR DHEERAAD AH:

Kajol iyadana  waxay  Filmfare Awards  ku  guuleystay  6 jeer oo  5 ka mid  ah  atiriishada  ugu wanaagsan  iyadoo iskoorkaas  la  wadaagto  eedadeeda Nutan.

4. Gulzar Iyo Rakhi

Gulsar  waa  qofka ugu  badan ee ku  guuleystay  abaal marinta  Filmfare Awards  wuxuuna  qaatay  20 mar 11 ka mid ah  best Lyrics  iyo  kuwa kale  dhinaca  kala  xaaskiisa  Rakhe  waxay  ku  guuleysatay  3-jeer.

5. Dharmendra iyo Hema Malini

lamaanaha  ugu  shidnaa  waqtigii  hore  ee Bollywood-ka  waxay  si  wadajir  ah  ugu  guuleysteen  labo  Filmfare  Awards.

6. Nargis Iyo Sunil Dutt 

Sunil  wuxuu  abaal  marinta  Filmfare  ku  guuleystay  2-jeer  halka  xaaskiisa  Sunil Dutt  ay  ku guuleysatay  1-jeer.

7. Javed Akhtar Iyo Shabana Azmi  

Javed Akhtar  wuxuu  ku  guuleystay  14  jeer  abaal Filmfare Awards  gaar  ahaan  qoraaga  ugu  wanaagsan  sidoo kale  xaaskiisa  Shabana Azmi  waxay  ku  guuleysatay  5-jeer  midka  ugu danbeeyay waxay ku qaadatay filimka Neerja.

Lasoco Qeybta Xiga Maqaalkeena Aan Kaga Hadlaynay 15-Lamaane Is Guursaday Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaaso Si Wadajir Ah Filmfare Ugu Guuleystay…

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video